BALIGUBADLE MEDIA
Maamulka Puntland oo Shaaciyay Inay Xuduudka Xidheen Iyo Sababaha Ay U Cuskadeen Wakhti Xaadirkan
January 9, 2018 - Written by admin

Maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen isku socodkii gaadiidka rayidka ee ay la lahaayeen somaliland.

gudoomiyaha nugaal
Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cumar Fara wayne oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in maamulka Puntland uu joojiyey isku socodkii gaadiidka dadka shacabka ah ee u kala bixi jiray somaliland iyo soomaaliya.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sidoo kale sheegay in dadka somaliland ka safraya ee u gudbaya soomaaliya uu xadku u furan yahay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Cid kasta oo ka imanaysa somaliland waddadu way u furan tahay, dadka ku sugan maamulka Puntland ee ka
soo jeeda somaliland lama kulmi doonaan wax dhibaato inta ay ku sugan yihiin Puntland, waxaana lagu ilaalinayaa soomaalinimo.”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Haatan waxa jira xaalad inta ay xaaladaasi taagan tahayna  jidka u dhaxeeya somaliland iyo maamulka soomaaliyeed ee Puntland wuu xidhan yahay  ilaa amar dambe laga soo saarayo, anaga oo ka cabsi qabna in dhibaato la gaadhsiiyo dadka shacabka ah ee u gudbaya somaliland.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS