BALIGUBADLE MEDIA
Kuuriyadda Waqooyi oo Halis Iyada Ku Khatara U Aragta Iskaashi Milatari oo Dhex Mara Washington iyo Seoul
January 28, 2018 - Written by admin

Xukumadda Kuuriyada wuqooyi ayaa uga digtay Kuuriyada Koonfureed in isbahaysi militari oo ay la samaysato Mareykanka uu dhaawacayo xiriirka gacanka Kuuriya.

president of nkora

Qoraal saxiixan oo lagu baahiyay jariirada xisbiga ka taliya Kuuriyada Wuqooyi ayaa lagu cambareeyay wadahadalada istaraatijiyadeed ee Seoul iyo Washington uga socda Hawaii.

Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Jim Mattis ayaa carabka ku adkeeyay la sii kordhiyo cunaqabtaynta si loola tacaalo waxa uu ugu yeeray daandaansiga qayrul masuulnimada ah ee Kuuriya Wuqooyi.

Hasa yeeshee waxa uu sheegay in dublamaasiyada ay tahay in ay la socoto ka baaraandagid ah tallaabo militari.

Labada Kuuriya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay isku soo dhawaanayay.

Ciyaaraha olambikada ee lagu wado in Kuuriyada Koonfureed lagu qabto bisha soo

socota ayaa fursad u noqday in labada dhinac ay xiriir sameeyan.

Sources: BBC Somali

COMMENTS