BALIGUBADLE MEDIA
Kuuriyadda Waqooyi oo Digniin Culus Hawadda U Marisay Kuuriyadda Koonfureed
January 27, 2018 - Written by admin

Xukumadda Kuuriyada wuqooyi ayaa uga digtay Kuuriyada Koonfureed in isbahaysi militari oo ay la samaysato Mareykanka uu dhaawacayo xiriirka gacanka Kuuriya.
160304040546_north_korean_leader_kim_jong_un__512x288__nocredit

Qoraal saxiixan oo lagu baahiyay jariirada xisbiga ka taliya Kuuriyada Wuqooyi ayaa lagu cambareeyay wadahadalada istaraatijiyadeed ee Seoul iyo Washington uga socda Hawaii.

Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Jim Mattis ayaa carabka ku adkeeyay la sii kordhiyo cunaqabtaynta si loola tacaalo waxa uu ugu yeeray daandaansiga qayrul masuulnimada ah ee Kuuriya Wuqooyi.

Hasa yeeshee waxa uu sheegay in dublamaasiyada ay tahay in ay la socoto ka baaraandagid ah tillaabo militari.

Labada Kuuriya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay isku soo dhawaanayay.

Ciyaaraha olambikada ee lagu wado in Kuuriyada Koonfureed lagu qabto bisha soo socota ayaa fursad u noqday in labada dhinac ay xiriir sameeyan.

Xigasho BBC Somali

COMMENTS