BALIGUBADLE MEDIA
Kulan Dhex Maray Madaxweynayaasha Faransiiska Iyo Turkiga Iyo Qodobada Ugu Muhiimsan Ee Ay Ka Wada Hadleen
January 6, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Faransiiska ayaa dhigiisa Turkiga u sheegay inaanay  hadda jirin fursad uu Turkigu kaga mid noqdo wadamada midawga Yurub.

erdogan
Shir jaraa’id oo ay labada madaxweyne wadajir u qabteen ayaa Madaxweynaha Faransiiska Macron waxuu ku sheegay inuu jiro walaac laga qabo arrimaha xuquuqul insaanka ee Turkiga tan iyo wixii ka dambeeyey afgembigii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Turkiga Rajeb Ordogan ayaa sheegay in Turkiga uu ka daalay doonista ah inay Midowga Yurub ku biiraan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal ku saabsanayd wararka sheegaya ciidamo uu Turkiga u dirayo dalka Suuriya.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa isna tilmaamay inay muhiim tahay in la sii adkeeyo xidhiidhka ay Turkiga la leeyihiin.

Waxaa sidoo kale labada hogaamiye ay muujiyeen iskaashi laga yeesho dagaalka kooxda daacish lagula jirro.

Dalka Turkiga ayaa mudo dheerba doonayay inuu ka mid noqdo wadamada Midawga Yurub, Balse waxaa jiray cago jiid muuqda oo arrinkaasi ay ka muujinayeen qaar ka mid ah wadamada Yurub.

Source:-BBCsomali

COMMENTS