BALIGUBADLE MEDIA
Kornayl Muuse Biixi oo Shaqadii Ka Caydhiyay Boqolaal Qof oo Ka Tirsan Shaqaalaha Madaxtooyadda iyo Dareenadda Foosha Xun ee Ku Gedaaman
January 11, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha cusub ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa amar culus oo shaqo joojin ah dul dhigay shaqaale tira badan oo ka hawl galayey madaxtooyada somaliland.

muuse afwayne

Shaqaalahan ayaa ahaa kuwii  ka hawl gali jiray wasaaradii madaxtooyada  somaliland oo iyadana madaxweyne Muuse Biixi meesha ka saaray.

Sida ay sheegayaan warar Hadhwanaagnews ka soo gaadhay madaxtooyada somaliland, madaxweyne Muuse Biixi ayaa amray in shaqada laga joojiyo tiro shaqaale ah oo gaadhaya 109 qof, kuwaas oo lagu war geliyey in laga joojiyey shaqadii ay ka hayeen madaxtooyada somaliland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in  maanta shaqadii laga joojiyey shaqaale tiradoodu gaadhayso 14 qof kuwaas o0 lagu war geliyey inaanay dib uga hawl gali doonin madaxtooyada somaliland, waxaana galinka dambe ee maanta la soo saarayaa shaqaale kale oo tiradoodu gaadhayso 95 qof, kuwaas oo iyagana hore loogu war geliyey inaan loo baahnayn inay ka hawl galaan madaxtooyada somaliland.

Shaqaalahan ka hawl galayey madaxtooyada somaliland ayaa lagu war geliyey in mudo laba bilood ah ay mushaharka ku qaadan doonaan iyaga oo banaanka ka jooga shaqadii ay hayeen, labadaas bilood ka dibna aanay u xaadiri doonin wax mushahar ah ee ay sidaas shaqadda kaga tagi doonaan.

Talaabada Kornayl Muuse Biixi Ku eryay Aqlabiyadda Shaqaalihii ka hawlagalayay qasriga madaxtooyadda somaliland ayaa ah mid sharci darro ah islamarkaana muujinaysa rajo beelka uu durba dalka galinayo kornaylku isagoo sidoo kale gabi ahaanba ku wacad furay balamihii uu bulshadda la galay wakhtigii ololaha ee ku aadanayn shaqo abuurka dhalinyaradda oo iyaduna meesha ka baxday

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS