BALIGUBADLE MEDIA
Khilaaf Degdega oo Soo Kala Dhex Galay Gudoomiyaha Ucid Iyo Madaxwaynaha + Muxuu Daaranyahay Khilaafkaasi?
January 26, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha la daala dhacaya cadaadiska xooga ah ee kaga socda bulshadda jeegaan diidka ah iyo gudoomiyaha xisbiga ucid ayaa khilaaf xoogani soo kala dhex galay kadib markii sida ay baligubadlemedia ilowareedyo ku heshay uu faysal cali waraabe wajigabax kala kulmay madaxwaynaha oo uu u doontay waxooga kharasha oo uu ku hawlgalo balse muuse biixi oo lagu xanto inuu yahay gacantii go’day uu gudoomiyaha u dhiibay kharash ka yaabiyay gudoomiyaha

faysal
madaxwaynaha ayaa gudoomiyaha u dirayay deegaanka colaadu ka aadantahay ee ceel afwayn isagoo raacinayay wafti xukuumadda ah balse waxa la isku seegay kharashkii madaxwaynuhu u dhiibay gudoomiyaha oo noqday wax uu qawaday gudoomuhu islamarkaana keenay inuu si cadho leh ula hadlo madaxwaynaha isagoo ku eedeeyay bakhalnimo islamarkaana nin bakhayli aanu kala wadi karin dalka

isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay ee faysal cali waraabe iyo muuse biixi isku dhacaan waxaana la sheegay in gudoomiyuhu ka nagaaday safarkii bariga maadaama oo uu saluugay kharashaadkii aadka u yaraa ee madaxwyane biixi ku soo taagay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS