BALIGUBADLE MEDIA
Khilaaf Culus oo Ka Dhex Qarxay Maayarka Iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Berbera + Halkuu Salka Ku Hayaa Khilaafkaasi?
January 1, 2018 - Written by admin

Khilaaf ba’an, ayaa la sheegay inuu ka Dhex-qarxay Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin iyo Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose ee Magaaladda Berbera Cabdikariin Aadan Cadde. Kuwasoo isku maandhaafay dhaqaale  tiro badan oo kasoo baxay dhul Dan-guud ah oo waqtigii Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay wada cuneen, isla markaana siffo qarsoodiyo uga wada Iibiyeen ganacsato waaweyn.

cidin9
Khilaafkan cusub ee la weriyey inuu ka dhex curtay Maayirka iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin, ayaa la sheegay in ismaandhaf ka taagan yahay lacago boqolaal kun oo Doolar oo ay si dadban ugu shubteen Acounno ku yaala dalka Jabuuti.
Warar u dhuun-daloola khilaafkan, ayaa intaa raaciyey inuu istaagay wada shaqeyntii iyo hawlmaalmeedkii shaqada Dawladda Hoose ee Magaaladda Berbera. Iyadoo aanu muddo sadex maalmood ah Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin usoo shaqo tagin xafiiskiisa Dawlada hoose ee Berbera.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS