BALIGUBADLE MEDIA
Khasaare Naf Iyo Maalba leh oo Ka Dhashay Dagaalo Markale Ka Cusboonaaday Deegaanka Dararwayne ee Gobolka Sanaag
January 21, 2018 - Written by admin

Iska hor imaad xoog badan ayaa magaalada Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada daga.

breaking news

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu socday saacado badan, waxaanu tilmaamay in khasaare dhimasho ahi soo gaadhay labada dhinac.

Warka ayaa sheegaya in dagaalku bilaabmay ka dib markii mid ka mid ah labada beelood ay dil u gaysteen nin ka soo jeeda beesha kale ee dagaalku hore u dhex maray, waxaanu warku intaas ku darayaa in dad gaadhaya dhawr iyo toban qof ay ka dhinteen labada dhinac ee dagaalamay.

Wararka  ayaa sidoo kale sheegay in labadan beelood uu dagaal ku dhex mari gaadhay gudaha magaalada Ceel Afweyn oo ay wada dagaan, balse ciidamada qaranka somaliland ayaa kala dhex galay ka dib markii ay rasaas isku rideen.

Dhinaca kale xukuumada ayaan ilaa hada wax ciidan ah  oo kala dhex gala labadaas beelood u dirin deegaanka Darar wayne, iyada oo wararku sheegayaan in labada dhinacba uu gabalku ugu dhacay sidii ay u dagaalamayeen isla markaana hada ku hawlan  yihiin inay isku ciidan iyo hub urursadaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS