Madaxwaynaha la daalaa dhacaya cadaadiska xoogan ee kaga socda aqbaliyadda bulsho waynta somaliland muuse biixi cabdi ayaa hadalo ka baxsan anshaxa madaxwaynenimo kula dul kufay warbaahinta somaliland
muuse biixi ayaa mar uu todobadkan u waramayay idaacadda VOA ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya somaliland iyo jabuuti waxaanu isagoo arimahaas jabuuti ka hadlaya uu hadalkiisa ku duray in jaraa’idada tuugta ah ee dalku waxay doonaan ka qoraan dawladda jabuuti
waa markii ugu horaysay ee madaxwayne somaliland ahi ku hadlo luuqad ay ku dheehantahay ciyaala suuqnimo waxaana cid kasta oo hadalkaas maqashay la yaabaysaa hadaladaas aflaaqadada iyo cayda badheedhka ah ee uu kula dul kufay warbaahinta
isku soo wada duuboo somaliland ayaa yeelatay markii ugu horaysay madaxwayne aan fahmin milgaha iyo maamuuska madaxwaynenimo islamarkaana sida uu doono u aflagaadaynaya bulshadda uu madaxwaynaha u yahay
ku darsoo madaxwaynuhu waa nin darajadda ciidanka ka gaadhay kornayl waxaana laga yaabaa in askarinimadu iska leedahay in dadka sidii la doono loo caayo marka aad madaxwaynaha tahay.
halkan hoose ka daawo waraysiga aflaagadada u badan ee madaxwayne kula kacay warbaahinta Dalka