BALIGUBADLE MEDIA
Illintii Iyo Murugadii Ardaygayga! Qalinkii: sadam osman kaabash.
January 2, 2018 - Written by admin

Waxaan ka soo baxay Masjidu-Bilaal. Waa saladdii Casar. Kadib markaan kabaha xidhay, una maleegtay meeshaan u socday. Waxaan maqlay cod gaaban oo iga daba leh, ” Macalin, macalin, macalin, oo cagaag kaga soo baxay masjidkii”. Waan soo jeestay, waanan sugay intuu isoo gaadhaayey qofkaasi.
Waa wiil yar  oo 6 sano jir ah. Waxaana na dhex martay sheekadan. Waxuu markiiba igu yidhi; “Macalin, waxaan rabaa inaan arrin kuu sheego!”. “Haye, ii sheeg” ayaan ku idhi. Waxa uu igu yidhi, ” macalin, iskuulkii waan ka baxay oo hooyaa iga saartay, markaas waxaan doonayaa inaad wax ii dhigto, carruurtii yar yarayd ee aannu wax wada dhigan jirnay maalin walba way tagaan anna meelna ma tagee”. Waxan ku idhi, “Oo  maxay hooyo kaaga saartay iskuul ee dhacay?”. Waxa uu iigu jawaabay,” hooyaday lacag way wayday markii lacagtii iskuulka la kordhiyey, oo lacag ma haysato, aabbahayna maan arag, mana joogo, si aan wax ugu sheegana ma garanaayo, iskuulkiina lacagtii wuu naga dayn waayey”.

Sheekadu markay halkaas noo marayso; waxaa igu adkaatay jawaabtii aan siin lahaa ilamahan yar.  Ma aqaanno, bidhaantiisa mooyee; gurigooda, hooyadii iyo aabihii mid toona. In si fiican loo qanciyo ayuu u baahanyahay, oo ma rabo hanti se waxa uu doonayaa aqoon iyo han sare oo uu ku gaadho khayrkiis.

Ugu danbayntii, wiilkii yaraa is fahannay oo is na farax anna murugo iyo yaab halkii kale tegay. Oo ilmahaa saamayntiisiii waxay igi sii jirtay muddo aad u badan. Waxaanan kari waayey inaan qoraal ka soo qoro. Se waxaan la sugaayey sannadka cusub iyo meel meeqaamkeeda iyo xusiddiisa leh.

Sadam osman.
Degmada: Ina Mooge.
20/10/2017.
Xusuus.

COMMENTS