BALIGUBADLE MEDIA
Hello: Madaxweyne Muuse Biixi, Noo Damaanad-qaad Daacadnimada Golahaaga Fulinta? Q2aad W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
January 15, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ilaa hada talaabooyinka uu ku talaabsaday iyo odhaahyadiisii hore ee wakhtigii ololaha adag uu ku jiray intuba waxay tusaale u yihiin in uu diyaar u yahay sidii uu dalkan uu madaxweynaha ka noqoday uu u gaadhsiin lahaa iskufilnaansho iyo horumar aanu hore u gaadhin gaar ahaan dhinacyada Cadaaladda iyo maamul wanaaga, intaasi waa daacadnimadda keliya ee uu afka kasheegay, hirgelintoodana looga fadhiya, iyada oo ay sidaas tahay hadan Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “Far keliyi fool ma dhaqado”, taas oo macnaheedu yahay in aanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo kuxigeenkiisuba aanay keligood waxqabad muuqda la iman Karin ama aanay waxba qaban Karin ilaa la helo dad kale oo si wada-jir ah ay iskula kaashadaan, dadkaasina waxay noqodeen Golaha Wasiirada ee uu magacaabay ama soo doortay Madaxweynuhu in ay la shaqeeyaan.

Hadaba Madaxweyne Muuse Biixi wuu soo bandhigay sida uu rabo in uu dalka ku maamulo, iyo halka uu rajeynaayo in uu gaadhsiiyo dalka iyo dadka labadaba, laakiin su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah “ Yaa noo damaanad qaaday in ay si daacadnimo iyo wadaninimo ka muuqato ay golaha wasiiradu dalka wax ugu qabataan?” ilaa hadda ma jiraan, hadii ay jiraana waa mid iyo laba, wasiirado si toos ah ula hadlay shacabka isla markaana siiyey damaanad ah in ay daacad u yihiin maamulka iyo masuuliyada culus ee loo doortay, taasina waa mida keliya ee shakiga iyo malaha ku abuurtay bulshada iyo muwaadiniinta masaakiinta ah.

Tan iyo Xukumadii ugu horeysay ee Madaxweyne Cabdiraxmaan tuur, Wasiiradda iyo ku-xigeenadoodu waxay ahaayeen kuwa ugu badan ee bulshadu dhaliisho, halka labadii xukumadood ee ka horeeyey xukumadan Madaxweyne Muuse Biixi, ay wasiiradu gashadeen isla markaana si toos ah warbaahinta uga muuqdeen iyaga oo kudhex jira arimo musuq-maasuq iyo hanti lunsasho kadhan ah qarankan soo koraaya.

Meel kasta iyo wakhti kasta waxaa si weyn  looga hadlaayey sida qaar kamid ah wasiiradaasi u xaraashayeen hantidii qaranku wada la’ahaa, kuwo kamid ahina waxay la safteen reerihii ay kasoo jeedeen oo waxay meel iska dhigeen qaranimada iyo midnimada umada, waxayna aamineen in ay reer keliya u yihiin wasiiro, taas oo bulshada ku abuurtay cuqdad iyo qabyaalad hor leh.

Mudane madaxweyne Muuse Biixi, waad noo cadaysey mawqifkaaga iyo in aad sinaan iyo cadaalad dalka ku maamuleysid, laakiin shacabku ma hubaan kumana kalsoona Goolahaaga fulinta oo inta badan loogasoo joogay in ay iyagu dalka iibsadaan, kedibna beri kamaalin ka dhoofaan, haddaba miyaanay qurux badnayn in golaha wasiiradu mid-mid shacabka usoo horfadhiistaan ka hor inta aanay xilalka la wareegin, isla markaana muujiyaan in ay la mawqif yihiin madaxweynaha, oo aanay qadeyn talaabadii kuwii hore ee xukumadihii Siilaanyo iyo riyaale.

Mudane madaxweyne waa in aad ogaataa in wasiir kasta oo aad adigu magacawday uu khiyaamo qaran iyo musu-maasuq la yimaado in ceebta iyo sharaf dhucu ay adiga kugusoo horeynayso, isla markaana hadal hayntaadu ay suuqyada iyo warbaahinta ku faafeyso, berina wasiirkaas dhaqan xumada kukacay uu si fudud dalka uga dhoofi doon.

Mahadsanid

Wa-bilaahi Tawfiiq

Saxafi /Qoraa Madax banaan.

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: [email protected]

Www.facebook.com/wiyeeer

Www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS