BALIGUBADLE MEDIA
Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo war ka soo saaray xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq
January 29, 2018 - Written by admin

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho, kaga hadlay colaada ka jirta deegaanka Tukaraq ee ka tirsan Gobolka Sool, kaasoo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

culima awdiin

Hay’adda ayaa ugu baaqday maamulada Somaliland iyo Puntland inay khilaafkooda ku xaliyaan si nabad ah, allena uga baqaan daadinta dhiigga muslimiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Hay’adda Culimada ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan kara burbur iyo barakac colaadaas, iyadoo deegaanka ay ka jiraan duruufo adag.

culimawaal

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS