BALIGUBADLE MEDIA
Haayadda Shaqaalaha Dawladda oo Maanta Ku DHawaaqday Natiijadii Imtaxaankii Ay Dhawaan Qaaday (Akhriso + Daawo)
January 7, 2018 - Written by admin

Haay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ay maanta shaacisay cida ku guulaystay natiijadii Imtaxaanka Ay Shaqo Doonka Ka Qaadeen,waxaana ay guulaystayaashu kala shaqayn doonaan Haay’adda Shaqaalaha Tirinta Iyo tayaynta shaqaalaha dawladda somaliland.

Kulankan lagu shaacinayay Natiijadda Ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka shaqo galinta iyo arrimaha bulshadda Marwo Hinda Jaamac Xirsi,Masuuliyiinta xafiiska maamul wanaag iyo la dagaalanka Masuq-maasuqa iyo saraakiisha kala duwana ee haay’adda shaqaalaha dawladda.

sharmaarke

UguHorayn goobta waxa ka hadlay macalinkii masuulka ka ahaa samaynta iyo sixida Imtaxaanka Proff Qalinle isaga oo xusayna sida daah-rognaanta lahayd ee ay u sameeyeen isla markaana u saxeen Qaab ay ku dheehan tahay masuuliyadi,waxaana  Qalinle sheegay in gabi ahaanba la dhaariyay macalimiinta saxayay imtaxaanka.

Waxaa sidoo kale   madasha ka Hadlay sarkaal sare oo ka socday haay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Mudane Dayib isagoona xusay sida Hufan ee imtixaanka iyo sixiduba u dhacday ay ahayd mid wanaagsan,waxaana uu bogaadin u jeediyey haay’adda shaqaalaha dawladda oo uu ku tilmaamay in ay hayso jid sax ah.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Sharmaake Axmed Muxumed Geelle oo isna gooba hadalo ka jeediyey ayaa  ugu horayn u mahad celiyey macalimiintii gacanta ku hays hawshan baaxada badan isagoona xusay in la dhaariyay macaliniinta saxayay isla markaana ay soo sareen wixii Alle ku ogaa

Gudoomiye Sharmaake ayaa sidoo kale xusay kaydka aqoonyahanka ee ay hirgeliyeen markii ugu horaysay  isagoona xusay in marba inta loo baahan yahay uun imtixaan laga qaadi doono marka madax taabashado dhamaato ee si dhab ah loo soo ogaado baahida shaqaale ee dawladdu u baahan tahay isagoona wasiiirka shaqo-gelinta ka codsaday in ay dedaal dheeraad ah geliso sidii ay shaqo abuur ugu samayn lahaayeen uguna bandhigi lahayeen cid walba oo shaqo bixiye ah

Ugu dambayn Wasiirka shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa bogaadin iyo mahadnaq u jeedisay haay’adda shaqaalaha hannaanka hufan ee ay horseedeen sidoo kalena duco iyo balan-qaad u hibaysay tartamayaashii soo xaraysatay.

Wasiir Hinda ayaa sidoo kale xustay in xukuumadu dedaal dheeraad ah gelin doonto sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa iyadoona sheegtay in ay mudnaanta koobaad u tahay xukuumada imika tallada haysa .

COMMENTS