BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyihii Xilka Laga Qaaday Ee Gobolka Banaadir Oo Magacaabay Guddida Xil Wareejinta
January 25, 2018 - Written by admin

Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa magacaabay guddi xil wareejinta maamulka gobolkaasi.

Guddida uu magacaabay gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa kor u dhaafaya toban xubnood, kuwaas oo loo xil saaray inay diyaariyaan xaflada xil wareejjinta.

thaanit

Waxaa xilka wareejin doona guddoomiyihii Taabit Cabdi Maxamed iyo ku- xigeenadiisa sida; Arrimaha Amniga & siyaasadda , Arrimaha Bulshada, Maamulka iyo Maaliyadda iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo ku xigeenadiisa ayaa xilka la wareegi doona, kuwaasi oo Axadii ina dhaaftay uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo).

Guddoomiyaha cusub iyo ku xigeenadiisa ayaa waxaa horyaalla shaqooyin fara badan oo ku saabsan Gobolka Banaadir, iyada oo shacabka Muqdisho ay isha ku hayaan Maamulka cusub.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS