BALIGUBADLE MEDIA
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo xilka la wareegay
January 30, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka cusub ee gobolka ayaa xalay si rasmi ah ula wareegay xilka kaddib munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

yariisaw iyo taabit

Munaasabada wareejinta oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka mid yahay ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka JFS, Wasiirro, Xildhibaanno, Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Saraakiil, Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin iyo qaybaha bulshada ee kala duwan ayaa ku qabsoomtay jawi wanaagsan.

Ugu horrayn waxaa munaasibadda hadal ka jeediyey guddoomiyihii hore Taabit Cabdi Maxamed, waxana uu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay inuu si nabad oo dimuquraadi ah ugu wareejiyo xilka guddoomiyaha cusub, isagoo xusay waxqabadkii uu soo qabtay mudadii uu shaqeynayay, waxana uu guddoomiyaha cusub u rajeeyey in uu halkaa kasii wado shaqada iyo horumarka.

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kelmad qiimo badan goobta ka jeediyey ayaa u mahadceliyey madaxda qaranka, maamulkii ka horreeyey iyo bulsha weynta gobolka Banaadir, isagoo sheegay in uu wax dadaal ah la hari doonin si wax badan ugu qabto dadka degan Banaadir iyo inuu gobolka horumariyo.

“Waan u mahadcelinayaa madaxda sare ee qaranka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo maamulkii hore oo runtii wax badan soo qabtay. Waa guul in si nabad oo dimuquraadi ah xilka la isugu wareejiyo, waana dhaqan wanaagsan oo aan bogaadinayo “ ayuu yri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Waxaan shacabka ku nool caasimadda Muqdisho u ballanqaadayaa inaan u qabto waxa ay iga wada rajaynayaan oo ah ka shaqaynta nabadda, caddaaladda, , shaqo abuurka iyo ilaalinta ammaanada, si loo gaarsiiyo adeegyo bulsho guud ahaan dadka degan caasimadda” ayuu raaciyey.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS