BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Soo Bandhigay Qaabka Ay U Bilaabayaan Ansixinta Wasiirada Cusub Ee Xukuumada
January 11, 2018 - Written by admin

Golaha wakiilada somaliland ayaa soo bandhigay qaabka ay u ansixin doonaan wasiirada cusub ee xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

xoghayha  golaha wakiilada
Xoghayaha golaha wakiilada somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guddiyadii loo xil saaray ay shir gudoonka soo gaadhsiiyeen xogtii wasiirada cusub, kuwaas oo ansixintoodu bilaabmi doono maalinta sabtida ah.

Xoghaya Cabdirisaaq oo ka hadlaya qaabka ay golaha wakiiladu ugu tala galeen in loo ansixiyo wasiirada ayaa waxa uu yidhi “Golaha waxa loo soo gudbiyey 23 wasiir iyo 10 wasiir u xigeen, sida uu sharcigu dhigayana waxa loo qaybiyey guddiyadii golaha, guddiyada intoodii badnayd way soo xaraysay waanay la kulmeen

wasiiradii, shuruudihii looga baahnaana way u soo gudbiyeen xafiiska shir gudoonka.”Xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa intaas raaciyey “Shirgudoonku waxa uu sameeyey jadwal ka kooban sadexda cisho ee Sabtida, Axada Iyo Isniinta kuwaas la ansixin doono wasiirada, sabtida waxa la ansixinayaa 11 wasiir,Axadana 11 wasiir, Isniintana 10 wasiir, sidaas ayaanu yahay qorshaha lagu ansixinayo wasiirada cusub.”

Sidoo kale xoghayaha golaha wakiilada ayaa sheegay inaanay jirin wasiiro la celiyey waxaanu yidhi “Ilaa Hada wasiiro la celiyey ma jirto, guddiyaduna intoodii badnayd way soo xareeyeen golaha ayaana xaq u leh inay diidaan iyo inay ogolaadaan, golaha ayaana la hor dhigi doonaa insha allah.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS