BALIGUBADLE MEDIA
Faransiiska oo Baadhaya Iphoneka la Cusleeyay
January 9, 2018 - Written by admin

Dacwad oogeyaasha Faransiiska ayaa billaabay baaritaan ku aadan “curyaaminta la sii qorsheeyay” ee lagu sameeyay taleefannada iphone-ka ee ay samayso shirkadda Apple.

iphone

Dalka Faransiiska waxaa sharci darro ka ah in la yareeyo cimriga waxyaabaha la soo saaro iyadoo ujeedadu tahay in macaamiishu ay gataan kuwo cusub.

Bishii Diseembar ayay shirkadda Apple qiratay in ay cuslaysay qaabka ay u shaqeeyaan taleefoonnadeeda sii duqoobaya iyadoo dadka u soo dirtay software.

Laakiin shirkaddu waxay ku adkaysatay in tayada baytariyadu ay xumaanayeen marka mudo dheer la adeegsado.

Baaritaanka Faransiiska waxaa hoggaaminaya wasaaradda dhaqaalaha.

Waxayna arrintani dabo socotaa cabasho ay bishii Deseembar soo gudbisay koox la dhoho Hop.

Hop waxay sheegtay in Faransiisku uu yahay dalkii saddexaad ee baaritaan ku sameeya Apple, balse uu yahay dalkii koobaad ee dambi ku tilmaamama arrinta Apple loo haysto.

Source: bbc somali

COMMENTS