BALIGUBADLE MEDIA
Fannaanadii Weyneyd ee Hoballada Waabari Qadiijo Cabdullaahi Daleys oo ku geeriyootay Canada
January 15, 2018 - Written by admin

Waxaa dalka Canada magaalada Toronto ku geeriyootay Allaha u naxariistee  Fanaanaddii Weyneyd ee Hobolada Waabari  Qadiijo C/llaahi Daleys.

dalays

Fanaanadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsaneysay, waxaana la sheegay inay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto.

Qadiijo C/llaahi Daleys ayaa ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeya ee heesa, sidoo kale waxaa la sheegaa inay aheyd gabadhii u horeeya ee heesta gabdhaha ka soo jeeda koofurta Soomaaliya.

Waxaa ay sanadkii 1936 ku dhalatay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaa ay aheyd fanaanad waddani ah oo jecel Soomaaliweyn,

Qadiijo C/llaahi Daleys ayaa aheyd gabadhii ugu horreysey oo 1952dii hees ka bilowda Radio Moqdisho, waqtigaas oo aysan jirin Aalada duubista waxey sameyn jirtey in ay timaado idaacada ay si toos  ah heesaha uga qaado.

Waxaa lagu xasuustaa heeso dhowr ah oo Wadani iyo Jeceylba lahaa, sida heestii ” Midab Gumeysi diida” ee loo qaaday Qaarada Africa  oo ay ku wada ay ku wada Luqeynayeen Fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan iyo heestii caan baxday ee “Muruqiina Maaloo” Dhulka miro ku beeroo Macdanta, dahabka Muujiyaً Wanaaga.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS