BALIGUBADLE MEDIA
Facebook oo Cadaadis Lagu Saarayo Inay Wax Ka Qabato Wararka Been Abuurka ah ee Lagu Baahiyo
January 23, 2018 - Written by admin

Saxafiga rug cadaaga ah Rupert Murdoch ayaa sheegay in ay shirkadda Face Book ay tahay in ay bixiso lacagaha dadka wax ku daabaca oo wararka galiya ,haddii ay shirkada ka go’an tahay in ay taageerto wararka saxda ah ee aan been abuurka ahayn.

afp

Hadalkiisa ayaa ka dambeeyay xilli ay uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo bartani bulshada in ay wax ka qabato wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo.

Shirkadda Facebook ayaa todobaadkii aanu soo dhaafnay waxay sheegtay in ay darsi doonto dadka isticmaala bartan mudnaantana la siin doono isha wararka ay ka yimaadeen iyo sida loogu kalsoonaan karo.

Mr Murdoch, oo isagu lagu naaneeso The Times iyo the Sun, ayaa sheegay in hindisaha shirkadda uu yahay “mid aan dhamaystirnayn”.

Waxa uu sheegay in shirkadaha baraha bulshada ay tahay in dadka wax soo galiya oo ku daabaca lacago ay siiyaan.

“Dadka wax dabaca ayaa dhab ahaantii waxa ay sare u qaadayaan mabaa’dida iyo kalsoonida lagu qabi karo Facebook iyaga oo u sii maraya macluumaadka wararka ay ku baahiyaan, balse si buuxda looguma abaalgudo adeegyadaasi,” ayuu yiri Mr Murdoch.

Shirkadaha Google iyo Facebook ayaa qayb libax leh ka qaata dhaqaalaha cusub ee ka soo baxa xayiisiinada taasi oo saamayn ku yeelatay xayiisiinadii ay heli jireen wargaysyada oo iyagu soo saara wararka muhimka ah.

Mr Murdoch ayaa ah gudoomiyaha shirkadda News Corp, oo ah shirkadda iska leh Wall Street Journal.

Dhakhliga soo gala shirkadan ayaa hoos u dhacay iyada oo qasaartay dhaqaala sanadeedkii 2017.

Hadalka saxafiga rug cadaaga ah Rupert Murdoch ayaa ku soo beegmaya xilli shirkadda Facebook ay qirtay in baraha bulshada ay halis ku yihiin dimuqraadiyadda ayna shirkadda sheegtay in ay xallin doonto dhibaatadani.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS