BALIGUBADLE MEDIA
Dood Adag oo Ka Taagan Caafimaadka Maskaxda ee Madaxweyne Trump Iyo Baadhitaankii Ugu Horeeyey Oo uu Marayo
January 5, 2018 - Written by admin

Soo saarista buugga cusub ee laga qoray madaxweynaha dalka maraykanka Donald Trump ayaa mar kale banaanka keenay dood hore u socotay oo ku saabsanayd xaaladda caafimaadka maskaxda ee Donald Trump.

trump fataal

Dooddan waxa ay socotay xitaa ka hor intii  aanu xafiiska la wareegin, balse hadda waxa ay gaadhay halkii ugu saraysay, iyada oo la hadal hayo in da’diisa awgeed ay hoos u sii dhacayso awoodda maskaxdiisa.

Dadku Maxay sheegayaan?

Buugga uu qoray Michael Wolff ayaa lagu sheegay in Trump uu muujinayo astaamo ka sii daraya oo ku saabsan in aanu maskax ahaan fayoobayn.

Buugaag kale oo baddan oo laga qoray caafimaadka maskaxda

Trump waxaa ka mid ah The Dangerous Case of Donald Trump oo uu qoray Bandy X Lee; Twilight of American Sanity oo uu qoray Allen Frances iyo Fantasyland oo uu qoray Kurt Andersen.

Dr Lee oo ah dhakhtar xagga dhimirka ku takhasusay oo ka hawlgala jaamacadda Yale ayaa koox xildhibaano dimuqoraadi ah u sheegay in Trump uu waali maryaha dhigan doono.

Maxaa ku jaban haddii uu waalan yahay?

Waa arrin uu shaqadiisa ku waayi karo haddii la xaqiijiyo in uu waalan yahay, sababtana waxa ay tahay in qodobka 25 aad ee dastuurka Maraykanka uu dhigayo in haddii uu madaxweynaha waasho madaxweyne ku xigeenka uu la wareegayo xilka.

Waxaana mooshin ka geyn kara madaxweyne ku xigeenka iyo aqlabiyadda golaha wasiiradda, taas oo hadda aanay  muuqanin suurtogalnimadeeda, balse codadka ka dhanka ah Trump ayaa aad us oo kordhaya.

Hadda ka hor arrintan ma dhacday?

Haa- Madaxweynayaal hore ayaa waxaa haleelay xaalado caafimaad, waxaana ka mid ah madaxweyne Abraham Lincoln, iyo madaxweyne Ronald Reagan oo la sheegay in uu wareeray, islamarkaasna aanu  kala garan jirin halka uu markaas ku suganyahay mararka qaarkood .

Shan sano kadib markii uu xafiiska ka tagay ayaa Reagan laga heley xanuunka dhimirka oo loo yaqaano Alzheimer ama hilmaamka.

Dooddan ma tahay mid caddaalad ah?

Hagaag, Dr Farces ayaa sheegay in dooddaha caynkan ah ay caddaalad darro ku tahay dadka xanuunada dhimirka qaba oo aan iyagu waxbo halaynin, balse Trump dartiis loo dhibaataynayo, laguna dhahayo haddalo aanan habboonayn.

Balse dadka xirfadlayaasha ah ee xagga dhimirka ayaa sheegay in sababta ay uga hadlayaan arrinta Trump ay tahay in ay qaranka uga digaan astaamaha halista ah ee madaxweynaha uu la soo baxay.

Xeeldheerayaasha caafimaadka dhimirka ayaa jabiyay xeer hore u yaalay oo ahaa inaanay ka hadlin astaamaha waalida ee qof haddi aanay baadhin.

Waxaase la sheegay in marka Trump uu ismoodsiinayo waxyaabaha qaar, islamarkaasna ku hanjabayo in uu amro weerar hubka Nuyuukleerka ah in dhakhaatiirta loo ogolaado in ay samayn karaan qiimeyn guud iyaga oo isagana baadhin.

Waxaaba jira sharci hadda laga shaqaynayo oo suurtogalinaya in la qiimayn karo xaaladda caafimaad ee madaxweynaha, Balse dadka qaarkood ayaa qaba in kooxaha neceb siyaasadaha madaxweynaha ay moowduucaan u isticmaalayaan si ay xilka uga tuuraan.

Maxay tahay caddaymaha laga hayo Trump?

Markii hore dad ayaa sheegay in Trump uu qabo xanuunka loo yaqaano ismoodsiinta ama uu yahay qof isaga laftiisa aad ula dhacsan.

Dadka xanuunkan qaba astaamaha lagu arko waxaa la mid ah in ay aad isu faaniyaan, in ay u maleeyaan in ay dadka kale ka sareeyaan, waxa ay doonayaan in aad loo jeclaado, ama iyaga lagu mashquulo, marka la eedeeyana eedda ma qaadan karaan.

Balse ninkii qoray astaamaha xanuunkan oo loo yaqaano NPD ninka lagu magacaabo Allen Frances ayaa sheegay in maadaamaa aanu arag astaamo rasmi ah, ay taasi ka hor istaagtay in uu Trump ku xukumo in uu qabo xanuunkaas.

Dadka ayaa hadda u wareegay in ay Trump ku sheegaan in uu qabo xanuun ah in uusan wax kala garan karin ama uusan sabab maangal ah u yeeli karin arrimaha soo wajaha.

Waxaa la’is barbar dhigay muuqaalo horay looga duubay iyo kuwa cusub, waxaana la arkay in uu jiro isbadal weyn oo ku saabsan dabeecadiisa, markii hore wuxuu ku hadli jiray hadalo dhaadheer oo aad u adag, isaga oo hadalka dhexdiisa ku fikiri jiray, islamarkaasna isticmaali jiray sifooyin, halka muuqaalada mardhow laga duubay uu isticmaalo erayo gaagaaban, haddane yar, weedhaha qaarkood waa u gooyaan, gefgefaa, isaga oo isticmaala erayo ka badbadin ah sida “ugu fiican”.

Xeeldheerayaasha waxa ay leeyihiin waxaa laga yaabaa in ay ugu wacantahay hilmaam ama xitaa da’diisa oo sii weynaatay awgeed.

Waxaa farta lagu fiiqay in ay jirtay mar madaxweynaha uu labada gacmood ku qaatay galaas biyo ah oo uu cabbay iyo mar isaga oo hadlaya uu codkaba ka lumay.

Todobaadka dambe, madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in uu maro baadhitaankii ugu horeeyay oo caafimaad oo xagga maskaxda ah tan iyo intii uu xilka qabtay.

Source:-BBCsomali

COMMENTS