BALIGUBADLE MEDIA
Donald Trump oo Ka Noqday Booqashadiisii uu Ku Tagayay Boqortooyadda Ingiriiska Iyo Sababta Keentay
January 12, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqashadii la sii qorsheeyay ee uu ku tagi lahaa UK bishan feberuary , wuxuuna sheegay in aanu  “taageeraysanayn” safaaradda cusub ee Maraykanku uu ka dhistay London, taas oo la qorsheeyay in uu isagu furo.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la filayay in uu furo safaaradan cusub oo ay ku baxday hal bilyan oo doolar, taas oo uu qorshaheeda lahaa madaxweynihii ka horreeyay ee Barack Obama, Trump ayaana ku tilmaamay “in fikraddaasi ay ahayd mid xun”.

uk

Hadda waxaa laga yabaa in munaasabadda furitaanka uu ka qaybgalo wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson badalkii madaxweyne Trump.

Trump ayaa aqbalay casuumaad ay u fidisay boqoradda Ingiriiska ka dib markii Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ay booqasho rasmi ah ku tagtay Maraykanka sannadkii hore.

Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Britain ee Downing Street ayaa diiday in uu wax ka hadlo  baajinta booqashada Trump ee UK.

Trump ayaa Twitterka ku soo qoray in uusan ku faraxsanayn in maamulkii Obama uu gaday safaaraddii hore ee Maraykanka ayna ku badasheen “laws”.

Wuxuu sheegay in dhismaha cusub ee Vauxhall ee Koonfurta London in ay “durugsan tahay” wuxuuna intaas ku daray “Ma inaan xadhiga ka jaro ayaad  rabtaan, Maya!”

Warar kale ayaa sheegaya  in xafiiska Ra’iisulwasaaruhu uu qorshaynayo in booqashadaas loo wareejiyo dhammaadka sannadkan, si Trump uu markaas xadhiga uga jaro dhismaha boqoradda ee Buckingham Palace.

Laakiin wali ma jirto maalin khaas ah oo la calaamadiyay, Maraykankuna sidoo kale wali ma uusan calaamadinin taariikhda booqashadaas.

Source:-BBCsomali

COMMENTS