BALIGUBADLE MEDIA
DHaraarihii Tagey Iyo DHaawacii Dawladnimada. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto) Q:1aad.
January 23, 2018 - Written by admin

Taxanahan  maanta  balaysinka  ah  waxaan  ku  soo  qaadan  doonaa  wakhtigii  ay  Xukuumadii  hore  dalka  ka  shaqeynaysay, Xiligaasi  oo  sooyaalka  ku  leh  bog  Madaw  iyo  Taariikh  mugdi  ah  taasoo  ka  soo  fushey  Gacan-yarayaashii  Madaxweyne  Axmed  Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo) oo  hogaanka  u  hayey  dalka  dharaarahaa  aan  soo  carab-baayey, Hadaba  qormadani  waxay  soo  qaadan  doontaa  maalinba  qodob  ku  saabsan  dawladnimada  iyo  dhaqankeedii, Kuwaasi  oo  isugu  jira  Siyaasada  Daakhiliga,  Ta  Khaarajiga,  Arimaha  Bulshada, Doorka  Haweenkee  siyaasada,  Iyo  nidaam  dawladeedka  marin-habaabey.

Qodabka ugu  horeeya  ee  aan  imika  ku  bilaabayaa  waa  mid  ka  mid  ah  kuwa  ugu  muga  culus  ee  laga  galey  gafka.  ( 1: Nidaam  Dawladeedka  Iyo  Hab-maamuuska  Kala  Dan-baynta  Hogaanka  Dalka).

Nidaamka  ay  leeyihiin  xukuumaduhu waxa  sida  caadiga  ah  dalka  oo  dhan  maasuuliyadiisa  gacanta   ku  haya  Madaxweynaha,  Waa  qodob  dastuuriya Waana  xasaanada  ugu  sareysa  dalka  markaa  uu  hagayo, Hadaba  yadoo  ay  dastuuriyan  iyo  sharciyanba  ay  sidaasi  tahay  waxa  dhacdey  in  layska  dhaga-tirey  oo  la baal-marey  hilinkaasi  hanoonsan wakhtiyadii  Somaliland  ay  xukuumadii  hore  ka  talinaysay, Anoo  ku  daadagaya  ubucda  iyo  barta  aan  abaarayo  Somaliland  waxa  soo  marey  xili  adeg  oo  wax  walboo  qaloocani  la  soo  darseen  umada  dagalkan  ku  dhaqan  saameyn  tabana  ku  yeelatey.

Xasuusaha  dharaarahan  ina dhaafey  iyo  dhaawacyada  soo  gaadhey  nidaam  dawladeedka  dalkan  jamhuuriyada  Somaliland, Oo  ay  ugu  horeeyaan  awoodo  xad-dhaafa  oo  ay  leeyihiin  ashkhaas  Madaxweynaha  qalinkiisu  qorey  kuwaasoo  badankooda  la  buun-buunin  jirey  isla  markaana umada  kadeeday  sida  uu  qof  walbaaba  iskaga  dhaadhicinayey,  Ay  umadii  wada  qulbaan quusiyo  laf-jabna  ka  qaadeen  amuurahii  wadanka  ka  socday  habeen  iyo  maalin  ee  ruux  uun  loo  kala  badinayey, Yadoo  qof  walba  uu  ku  xisaabtamayey  dhaqan-xumo  isla  wakhtigan  abuurantey  oo  aheyd  yaan  hebal  cidi  kuu  dhaafin  xagiisa  dhawaanshaha.

Dharaarahaa  tagey  waxa  yadna  lagu  xusi  doonaa  Wasaarada  Madaxtooyada  oo  noqotey  Dheeman  iyo  luul  dhamaan  indhaha  umadu  hayaan,  Taasooy  ugu  wacnayd  kool-koolinta  Wasiirkeeda  oo  noqday  Wasiir  dhigiisa  ay  golaha  ku  wada  jiraan  ka  tun-weyn  oo  inta  badan  lagu  xanto  naaquudaha  doonta  taasibaa  keentay  markaa  in  ay  hawada  gasho  wasiirkaa  iyo  wasaaradiisuba, Arinta  shaqadan  uu  wasiirkani  qaban  jirey  waxay  aheyd  mid  qayru-sharci  ah  waayo  wuxuu  ahaa  Madaxweyne  yar oo  marerka  qaarkood  Wasiirada  kale  hogaamiya, Xadhig  ka  jarid  ku  sameeya  shaqo  uu  fuliyey  wasiir  kale  oo  la  siman  isaga  waxna  aanu  dheerayn.

Hab-maamuuskiyo  kala  dan-beynta  nidaamka  dawladnimada may  laheyn  hal-beeg  laga  duulo  ama  majare  kala  sooca  awoodaha  shakhsiyaadka  xukuumada  u  shaqeeya,  Taasina  waxa  tusaale  kuugu  filan  hadalo  is-burinaya  ayaa  ka  soo  bixi  jirey  masuuliyiinta  Golaha  Xukuumada  oo  ninba  wuxuu  jecel  yahay  ayuu  iska  odhan  jirey,  Sida  Af-hayeenka  madaxtooyada  afkeeda  ku  hadla  ayaa  intuu  iska  dar-jiidho  afka  golaha  xukuumada  ku  hadli  jirey,  Halka  uu  dastuurku  u  kala  xadeeyey  labadan  masuul  oo  midna  loo  asteeyey  afka  xukuumada  oo  ah  wasiirka  wasaarada warfaafinta iyo  wacyi-galinta , Halka  Af-hayeenkana  loo  asteeyey Afka  Madaxtooyada.

Xiliyada  qaarkood  waxad  arkeysay  Wasiir  ka  faaloonaya  shaqo  aan  tiisa  aheyn  amaba  dhagax-dhigaya  isagoo  cuskanaya  waxaan  ka  soo  jeedaa  Deegaankan  aan  dhagaxa  dhigayo,  Hadaba  waxa  su,aala  wasiirkan  wakaaladiisa  shaqo-ahaaneed  kaliyaata  ma  edegooda  oo  kaliyaa  mise  wuxuu  wasiir  ka  yahay  dhamaan  Somaliland  min  darif  ilaa  darif,  Muhiimada dawladnimadu  waa  kala  dan-bayn,  kala  sareyn,  kala shaqo,  kala qorshe,  kala  fulin  hadana  isu  xukuumada  waa  qaab-dhismeedka  ay  u  dhisan  tahay, Hadii  intaa  laga  waayo  waa  mid  faashil  ah  kuna  salaysan  walax  saluuga.

Qormada  bilawga  taxanaha  aan  ku  eegayo  Xukuumadii  hore  iyo  raadedkii  siyaasadeed  ee  ay  ka  tagtey waxaan  ku  soo  af-meeri  dhamaan  waxyaabahaasi  aan  ka  soo  sheekaynay  waa  xaqiiqooyinkii  dhabta  ahaa  ee  dawladnimadeena  dhaawacey isla  markaana  ku  sii  qul-qulinayey  Iilka  ee  cidhibteeda  jarayey,  Waa  run  waxay  ka  tageen  raaded  liita iyo  Dhaqan-dhaqaale  aad  u  xun  kaasi  oo  dalku  in  yar  u  jirsadey  inuu  bur-buro,  Waxaanen  ugu  tala-galey  inaan  taamiladan  sooyaal  ahaan  u  kaydiyo  ama  inaan  bulshadeyda  la  wadaago  si  ay  u  noqoto  taariikh  ama  marjac  laga  cabir  qaato. LA SOCO……………

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto)

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS