BALIGUBADLE MEDIA
Dhacdooyinka Dunidda Iyo Nin Ku Taajiray Saacado Gudahood
January 19, 2018 - Written by admin

Ninka asaasay shirkadda tagaasiista ee Uber Travis Kalanick ayaa si rasmi ah u noqday bilyaneer saacado gudahood, kadib markii shirkadaha waaweyn ee dalka Japan ay saami badan ka iibsadeen shirkadiisa aadka u kobcaysa.

uber

Shirkadahan ayaa Uber ku bixinaya $8 bilyan oo doolar.

Ninkan oo xilka agaasimenimada Uber isaga dagay bishii June ayaa iska iibinaya saamiyo qiimahooda uu ku kacayo $1.4 bilyan oo doolar.

Inkasta oo muddo dheer uu ahaa nin hantiile ah, haddane heshiiska cusub ayaa waxa uu xaqiiqo ka dhigayaa in uu yahay nin bilyan dheer ah, lana hubo in uu lacagta heysto.
Wali madax ayuu kasii yahay shirkadda Uber oo la timid fikrad caafimaad qabta oo ah in qofka uu tagsi ka dalbado taleefoonkiisa.

Waxa uu qofka arki karaa masaafada uu tagsiga usoo jiro, daqiiqadaha uu ku imanayo, halka uu geynayo, magaca iyo sawirka wadaha, iyo waliba taargada gaariga, macluumaadkaas oo dadka ka caawinaya xagga badbaadada.

Mr. Travis oo lagu xusuusto mashaakilaadkii iyo muranadii uu kasoo maray ganacsiga sida in uu xaday fikado ganacsi oo ay Google leedahay ayaa maalgalintan cusub uga faa’iideysan doona balaarinta shirkadda.

Qorshaha waxa uu yahay in Uber ay ku faafto magaalo kasta oo adduunka ka mid ah, islamarkaasna xoojiso asaaskeeda.

Iskaashatada shirkadaha Japan ee maalgashiga sameeyay ayaa qaadanaya boqolkiiba 29% saamiga shirkadda Uber, waxayna yeelanayaan 2 ka mid ah guddiga bud-dhigayaasha oo ka kooban 17 qof, kuwaas oo gaara go’aamada rasmiga ah.

source: bbc

COMMENTS