BALIGUBADLE MEDIA
Degdeg: Madaxweyne Farmaajo Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeenadiisii, Masuuliyiin Cusubna Magacaabay
January 21, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisii.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyey xil ka qaadista masuuliyiinta gobolka Banaadir, iyada oo la magacaabay masuuliyiin cusub.

madaxwayne farmaajo

Wareegtada lagu magacaabay masuuliyiinta cusub ee gobolka Banaadir ayaa u dhignayd sidan

Madaxweynuhu: Markuu arkay soo jeedinta wasaarada arimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Markuu wada tashi la sameeyey isla markaana dhagaystay talooyinka raysal wasaaraha xukuumada soomaaliya

Madaxweynuhu waxa uu xubnahahan hoose u magacaabay xilalka.

1. Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Eng Yariisow) waxa loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir.

style=”font-family:tahoma,geneva,sans-serif;”>2. Maxamed Cabdilaahi Maxamed Waxa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee amniga iyo                             siyaasada ee Gobolka Banaadir

3. Xuseen Maxamed Nuur waxa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee maamulka iyo Maaliyada                              gobolka Banaadir

4. Marwo Basma Cumar Axmed  waxa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo wacyi                          gelinta Gobolka Banaadir

5.    Aadan Sheekh Cali Fidow waxa loo magacaabay  gudoomiye ku xigeenka hawlaha guud Ee Gobolka Banaadir

6.       Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo loo magacaabay xoghahaya guud ee gobolka Banaadir

Xil ka qaadista masuuliyiinta gobolka Banaadir ayaa lala xidhiidhinayaa khilaaf soo kala dhex galay maamulkii gobolkaas iyo dawlada federaalka ah kaas oo salka ku haya meeqaamka gobolka Banaadir looga qorshaynayo inuu ku yeesho nidaamka federaaliga ah ee soomaaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS