BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Somaliya oo Kormeer Indho Indhayna Ku Samaysay Deegaano Somaliland Ka Tirsan Iyo Xukuumadda Muuse Biixi oo Ku Fashilntay Ilaalinta Xuduudaha Dalka
January 3, 2018 - Written by admin

Wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maalmihii u dambeeyay joogay bariga gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

Dr Sacad Cali Shire
Socdaalkiisa ayaa yimid maalmo ka hor inta aanu Madaxweyne Farmaajo Puntland iman iyada oo la filayo in uu ilaa 8 bishan yimaaddo waxaana jirta hadal hayn ah in Soomaaliya maamul u aqoonsanayso dad mucaarad ah oo ka soo jeeda gobollada bariga Somaliland.
Wasiirka qorshaynta Soomaaliya ku qoray boggiisa Twitter-ka suxbaxnimadii Arbacada ayaa yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta joogo Badhan oo gobolka Sanaag ah si

aan u qiimeeyo heerka nabadda iyo horumarka ee gobolka. Kulammo muhiim ah Ayaan la qaatay dhammaan qaybaha bulshada,”
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa si adag uga soo horjeestay imaanshaha wasiirka Soomaaliya ee gobollo Jamhuuriyadda Somaliland ka tirsan.
Waxa uu ku tilmaamay xad gudub wariirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi ”Arrintaasi siweyn ayaanu uga biyo diidsanahay, Soomaaliya iyo Somaliland-na xadba u dhaxeeya oo la yaqaano, in xadkaasi laga soo gudbaana xadgudub ayay ku tahay Soomaaliya, taasina waxaa ay khalkhal galineysaa cilaaqaadkii u dhaxeeyay labada dawladood, iska hor imaad ayaanu ku danbeyn doonta oo aan dan u aheyn Somaliland iyo dadka deegaanka toona”,Halkan hoose ka DAAWO muuqaalka warkaa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS