BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Tuuniisiya oo Wadda Dedaalo Ay Ku Qancinayso Dadka Muddaharaadyada Samaynaya
January 14, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha dalka Tunisia ayaa maanta galinka dambe lagu wadaa in uu booqdo dagmooyiinkii dhawaan ay ka dhaceen dibadbaxyada.

Madaxwayne Beji Caid Essebsi ayaa khudbad ka jeedin doona degaanka Ettadhamen oo ka tirsan caasimada dalkaasi ee Tunis.

tunisia
Dowladda Tunisia ayaa ku dhawaaqday in 70 milyan oo doolar oo dheeraad ah ay ku bixin doonto caawinta qoysaska uu yar yahay dakhliga soo gala.

Arrintan ayaa imanaysa maalma un kaddib markii ay dalkaasi oo dhan ka dilaaceen dibadbaxyo lagaga soo horjeedo barnaamijka gunti giijiska ah ee dhinaca dhaqaalaha.

Xisbiyada mucaaradka ayaa waxay ku baaqeen dibadbaxyo dheeraad ah maanta oo Axad ah.

Mucaaradka ayaa waxa ay ku doodayaan in dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi ka jirtay tan iyo intii xukunka laga tuuray madaxwaynihii hore Ben Cali aan wali la xal laga gaadhin.

Dalka Tunisia ayaa ahaa wadankii ay ka billaabmeen dibadbaxyadii loogu magacdaray Guggii Carabta.

Dibadbaxayaasha reer Tunisia ayaa ka cabanaya maciishada oo qaali ah iyo canshuuro cusub oo ay dowladda dalkaasi soo rogtay.

Source:-BBCsomali

COMMENTS