BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Sucuudiga Oo Xidhay Amiiro Diiday Inay Iska Bixiyeen Lacagta Biyaha Iyo Korontada
January 7, 2018 - Written by admin

Sida ay sheegtay Dowladda Sucuudiga, amiirradan aanan magacyadooda la shaacin waxa ay ka cabanayeen laba arrimood.

Waxa aanay ku faraxsanayn inay iyagu iska bixiyaan kharashaadka ay ku isticmaaleen biyaha iyo korontada taas oo qeyb ka ah barnaamijka gunti-giijiska ah.

maxamed binu salmaan

Qorshahan waxaa soo hindisay dhaxal sugaha da’da yare ee leh hammiga dheer ee Maxamed Bin Salmaan.

Amiiradai Waxa ay dalbadeen in magdhaw laga siiyo wiil ay ilma adeer yihiin oo la dilay laba sanno ka hor, Markii ay diideen inay qasriga madaxtooyada ka baxaanna waa la xidhay oo hadda waxay sugayeen maxkamad.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa sheegay in qof walba ay tahay in lala xisaabtamo iyadoon la eegayn xilka uu hayo.

In lagu xidhay xabsi si weyn loo ilaalinayo ayaa waxay wax badan ka duwan tahay habka loola dhaqmay ku dhawaad laba boqol oo amiir,

Saraakiil sarsare oo Dowladda ka tirsan iyo ganacsato ayaa bishii Novembar ee la soo dhaafay lagu xidhay hotel lagu raaxaysto

Arrintaas oo qeyb ka ah waxa loo soo bandhigay inay tahay olole ka dhan ah musuqmaasuqa

Source:-BBCsomali

COMMENTS