BALIGUBADLE MEDIA
Dagaal Siyaasiya oo Ka Dhex Qarxay Gudaha Jeegaanta, Maxamuud Xaashi oo Dhaqaale Ku Dagaalamaya Iyo Muuse Biixi oo U Muuqda Mid Awoodiisa La Daciifiyay.
January 21, 2018 - Written by admin

dagaal adag oo siyaasiya ayaa xubno ka tirsan wasiiradii hore ee beesha siilaanyo ku fureen madaxwaynaha somaliland iyo xukuumadiisa cusub xubnaha dagaalkan abaabulay islamarkaana dhaqaalaha xadiga badan ku bixinaya waxa kamid ah wasiirkii hore ee madaxtooyadda maxamud xaashi oo isagu ah maskaxdii suldaan xasan u dirtay shirkii burco islamarkaana kharashka faraha badan ku siiyay inuu suldaan xasan hadalo dhul gariir ku noqda madaxwayne muuse madashaas ka jeediya

xaashi iyo kornayl muuse

suldaan xasan oo isna kamida garabka maxamuud xaashi ee sida ba’an ula dagaalamaya madaxwaynaha ayaa kaga dhabeeyay qorshihii maxamuud xaashi waxaanu hadal dhimbiil siyaasadeed ku noqotay madaxwaynaha iyo xukuumadiisa ka jeediyay madashaas hadalkaas oo keenay in madaxwaynuhu u dulqaadan kari waayo islamarkaana uu maalintii shalay si adag uga jawaabo

marka la eego qaabka muuse biixi uga jawaabay hadalka xasan suldaan muu ahayn mid lalal dhacay waxaanu jawaabta madaxwyanuhu soo dadajisay in ilaa hadda aan xukuumadda madaxwaynuhu ka dhisnayn meelihii muhiimka ahayd ee loo baahnaa inay ka dhisnaato kuwaas oo awood sharci u leh inay amar yeedhmo ah u diraan suldaanka rabashka kiciyay taas oo ay kaw ka tahay wasaaradda daakhiliga iyo laamaha la shaqeeyaa.

ilaa hadda dagaalka siyaasiga ah ee jeegaanta ka dhex socdaa waa mid socda waxaana abaan duule u ah maxamuud xaashi iyo cali mareexaan oo iyagu lakala dagaalamaya maxamed kaahin iyo xasan gaafaadhi oo uu madaxwaynuhu ku badashay balse waxa hubaala in dagaalka baaxadaas leh ee kooxdani ku jirtaa noqon karo mid madaxwaynaha iyo xukuumadiisu si fudud u damin karaan hadii ay fahmaan gundhiga dagaalkan siyaasiga ah.

isku soo wada duuboo wali khilaafku wuu socdaa waxaanay durba kooxdani ku guulaysteen inay xukuumadda cusub si fudud dagaal uga dhex sameeyaan iyadoo adeegsanaya jeegaanta iyo salaadiinteeda waxaana madaxwayne muuse la gudboon inuu taxadar badani ku dheehanyahay ula dhigo kooxdan gofanayaasha ah ee todobadda sanno ku boobay hantidda umadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS