BALIGUBADLE MEDIA
Dagaal Culus oo Ciidamadda Maamuladda Somaliland Iyo Puntland Ku Dhex Maray Deegaanka Tukaraq
January 8, 2018 - Written by admin

Dagaal Culus oo laysku adeegsaday Qoryaha Culus Ayaa saaka Subaxii Hore ciidamadda qaranka somaliland iyo kuwa Maamul Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq oo 35 Kiilo Miitir u jirta magaalada Garoowe.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay markii ciidamadda maamulka puntland dagaal ku soo qaadeen kuwa somaliland sida ay hadhwanaagnews u Xaqiijiyeen Sarkiil Ku Sugan Aaga Dagaalka,waxaana lasoo sheegayaa in dagaalkaasi ay ka dhasheen Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac balse ilaa hadda lama hayo cida Xaqiijin Karta khasaarahu inta uu leeg yahay.

Ciidamadda Somaliland ayaa la galiyay Heegan buuxa ilaa maalintii uu magaalada garoowe soo gaadhay madaxwaynaha dawlada somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Kaas Oo La Sheegay inuu iman doono qaar ka mida ah Gobolada Bariga Oo Ay Maamusho Somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS