BALIGUBADLE MEDIA
Barnaamijka taxanaha macalin-kaab qaybtii 1aad” Qalinkii Cabdi Cawiye
January 19, 2018 - Written by admin

Waa barnaamij caawinaaya macalimka una sahlaaya inuu kor u qaado mihnadiisa macalinimo.
Baruhu waa wastaad dhisaya ummad ama jiil korriin jodheed iyo koboc maskaxeed u socdo. Nebbi
Maxamed ayuu ahaa macalinkii ugu weynaa ee dunida soo mara sida xataa gaalku qirayo. Soddon jis oo
Qur’aan ah ayuu ku shubay quluub uu shirki dishooday. Hab-dhaqan dhammaystiran ayuu baray
ummada islaamka.
1:Sideed ku noqon kartaa Macalim fiican

Waxaa hubaala in macalim kastaaba uu doonaayo inuu macalim fiican noqdo oo ardaygiisa uu hanto
maskaxdiisa iyo maankiisa si uu ugu reebo xusuus ma Guurto ah una dhacsiiyo cilmi iyo aqoon xeel
dheer. Hadaba waxaa hubaala inuu fuliyo qodobadan si uu u noqdo sida aynu sheegnay.
1. Macalimka wanaagsani wuxuu aqoon xeeldheer u leeyahay maadada uu dhigaayo ama uu baraayo
ardeyga waayo haddii Macalimka ay yartahay aqoonta uu u leeyahay maadada waxaa dhacaysa inuu si
fiican u tabin Kari waayo casharka uuna ku hafto waxaana lumaysa ujedadii uu lahaa inuu gaadho.
2.macalimka wanaagsani wuxuu kasbada xayndaabka fasalka.
Macalimka wanaagsani wuxuu kasbadaa fasalka macnaha wuxuu ka war hayaa dhamaan dareenka
ardeyda fasalka fadhida.
3.wuxuu qorsheeyaa casharkiisa
Macalimka wanaagsani waa mid ay u qorshaysantahay xiisada uu dhigaayo si uu ugu saleeyo shaqada
ardeyga iyo dhacsiinta casharka uu bixinaayo.
Wuxuu casharkiisa u qoondeeyaa sida
Xiisadu waa 45daqiiqo
5 daqiiqo isku xidhka casharkii hore iyo kan dambe
15 daqiiqo qorida casharka
15 daqiiqo sharxaada casharka
5 daqiiqo waydiimo ku saabsan casharka.
5 gabagabaynta casharka iyo udirida shaqda guriga.
Lasoco qaybaha dambe
Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877

COMMENTS