BALIGUBADLE MEDIA
Amin-yahay Waxaad Tahay Hiilka Geesiga DHigaagii Huleelayna Haakah Iyo Qushi Buu Nagu Dhaafey. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
January 11, 2018 - Written by admin

Qormadani  waa  duur-xul  xambaarsan  dareen  hada  taagan  oo  waaqici  ah,  Iga  raali  ahaada  akhristayaashaw  hadaad  fahmi  weydaan  Ciwaanka  waayo  waan  yara  duur-xulay  ama  waan  sogordohay. Xaga  kale  waxaan  yara  muujiyey  awooda  aan  u  leeyahay  dawaada ama  qalinka,  oo  ah  hibadda  gaarka  ah  een  qaybta  u  helay. Beer  kastoo  oogada  sare  ku  uumani  waxa  uu  leeyahay  hidaayo  gooniya  taasi  oo  la  xidhiidha  mihnadiisa, Halkaa  waan  ku  yara  baanaye  raali  iga  ahaada  akhristayaashaydow, Dhinac  kalena  waa  arertii  aan  ku  bilaabayey  qormadan  sogordoha  ah  ee  ku  saabsan  Arimaha  Siyaasada  ee  hada  waaqaceedu  taagan  yahay, Hada  aan  si  gaara  u  abaaro  halkaan  u  socday.

Bulshada  reer  Somaliland  iyo  dawladooduba  waxay  soo  mareen  wakhti-siyaasadeed  aad  u  culus  Isla  markaana   hogaamin  dirqiya  lagaga  soo  gudbay,  Hadaba  qormadan  waxaan  ku  faaqidi  doonaa  wakhtiyadaa  kala  duwan  siyaasadihii  la  soo  marey.  Yadoon  sawiri  doono  nooca  ay  ahayd  amintaasi  waliba  ku  darsoo  amintan  haatan  taagani  waxay  xambaarsan  tahay  amaba  sida  ay  uga  gadisan  tahay  dhigeedaasi  la  soo  dhaafey, Qodobada  ugu  muhiimsan  ee  Aminahan  kala  duwanaashahoodu  waxay  noqon  doonaan,  Dhinaca  ash-khaasta,  adeega  siyaasada  iyo  guud  ahaan  wax  kastoo  muhiim  ahaa  oo  ku  aroora  nolosha  iyo  Hab-dhaqanka  bulshada,  ka  hogaanka,  ka  awooda,  ka  dawladnimada  iyo  ka  shicibka  caadiga  ah.

Aminahan  is-baddelkooda  waxa  jaan-gooyey  Madaxweynaha  cusub  ee  jamhuuriyada  Somaliland, sababtuna  waa  is-baddelka  hogaanka  iyo  xaalada  siyaasiga  ah  madaama  ay  dalkii  Somaliland  dawlad  cusubi  qabsatey  taasi  oo  aad  uga  duwan  tii  ka  horeysay,  Hadaba  waa  tan  barta  aan  maanta  u  gol  leeyahay  inaan  qaaraa-dhigo,  Umada  reer  Somaliland  dhamaanteed  waxay  soo  waajahdey  amino  culus  kuwaasi   oo  badhkood  ay  ahaayeen  qaar  wata  curfi  iyo  dabeecado  aad  u  liita  oo  ku  cusub  gayigan  iyo  umada  ku  dhaqanba,  Waxa  u  mudnaa  waxyaabaha  ugu  la  yaabka  badnaa   ee  na  soo  dhaafey  (  Kal-ceebeed  iyo  doqontoo  talisa  umadana  hage  u  ah  ) ,  Waa  tiirerka  ugu  waaweyn  ee   lagu  xasuusan  doono  dharaarihii  ina  soo  dhaafey  iyo  xukuumadii  xilkeedu  dhamaadey  ee  xilka  wareejisya.

Amintii  aan  soo  dhaafney  waxay  shacabka  dhaxalsiisey  inuu  hogaamiyo  dadka  raydka  ah  cid  aan  u  qalmin  ama  habac  liita  oo  doqon  ah  kaasi  oo  garab  balaadhan  iyo  gaashaan  ka  helayey ,  Naaquudayaasha  nidaamkani  oo  badankoodu  ahaa  ( Dumar  Iyo  Wadaado), Dantoodu  aaney  aheyn  in  umada  la  hogaamiyo  oo  horumar  iyo  hiigsigooda  la  gaadhsiiyo  balse  ay  ka  door-bidayeen  iney  xamaashaan  oo  ay  iskood  u  shaqaystaan  si  ay  yagu  u  helaan  gaadhida  danahooga  gaarka  ah,  Waxaaney  u  sii  dhex  mari  jireen  danta  guud  iyo  ta  shacabka  si  tooda  ay  ugu  dabaqaan meel  markeeda,  Sidoo  kale  amintaasi  xuni  waxay  xasuusteedu  tahay in  ay  talada  hayeen  dad-yaw  ku  ceeb  ah  dawladnimada   iyo  wanaageeda.

Amintaasi  ina  dhaaftey  waxay  kala  qaadey  ragii  oo  ay  fariidka  cidlo  iyo  ciil-gadhoodh  badey,  Isla  markaana  aan  waxba  la  weydiin  jirin  waxna  loo  dirsan  jirin,  Halka  habayaca  iyo  hacoogu  uu  talinayey  ee  uu  lahaa  awooda  ugu  badan  ama  ku  xisaabtamida  shacabka  ta  ugu  muga-weyn  si  waliba  ay  qadarini  ku  jirto,  Runtii  waa  la  yaabkii  ugu  badnaa  ee  laga  kulmay dawladii  uu  hogaaminayey,  Hogaamiye  Axmed  Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo),  oo  isagu  ahaa  nin  weyn  oo  waayo-araga  balse  ay  ka  xumaayeen  gacan-yarayaashiisu  kuwaasi  oo  uu  Odeygu  aaminey,  Yaga  koox  haween  ah  waana  kuwa    dhaliyey  in  lagu  xasuusto  xukuumadiisii mid  la  sugo  goortey (Kal-ceebeedniadu  ay  Haakah  odhaneyso  waliba  Qushi  loogu  sii  darey).

Amintaa  ina  soo  dhaaftey  waxa  laga  hayey  Geesiga  ama  nin-rageedyada  ay  aastey  een  la  ogolayn  iney  madaxa  kor  u  soo  qaadaan,  Tixdan  oo  lahaa  Mu,alif,  Mulax-miiste,  Maanso-yahan  Abwaan  Axmed  Siciid  (Af-gudhiye),  oo  sidan  u  dhignayd.

HADAAN  HAN  YARAAN  LAHAA

RAGAAN  UGU  HOREYN  LAHAA.

HADAAN  HABRASHADA  AQAAN

KORBAA  LEY  HEYN  LAHAA.

XAQAYGA  INTAAN  KA  HADHO

MID  KALAAN  HELLI  LAHAA.

HAGAAGAAN  DOONAYAYIYO

HAYAANKAA DIB  II  DHIGEE.

NAFTAYDAAY  HOOS  U  HADAL

HAAKAH  IYO  QUSHIDA  BADi.

Halyeygii  ina-rageed  iyo  Geesigii  hanadka  ahaa  sidaasuu  ku  dhameystey  Amintii  ay  dalka  ka  talineysay  xukuumadii  Madaxweyne  Axmed  (Siilaanyo),  taasi  oo  milgaheedii  iyo  sharafteediiba  ay  ku  dheeleen  kooxo  Dhuunta  ka  iftiimaya  oo  isugu  jirey  (Haween  Iyo  Wadoodo) ,  Fasiraada  wadaada  waxa  weeyaan  qol-yahan  Urur-diimeedyada  ka  tirsan  ama  firqooyinka,  Waxaana  sooyaalka  u  gashey  ama  lagu  Xasuusan  doona  (Sabankii  Doqonta) ama  (Hiilkii  Liitaha).

Hadaba  Amintan  hada  la  taagan  yahay  waxay  kaga  duwan  tahay ,  Dalka  waxa  haysta  hogaamiye  ruuxiya  waa  Madaxweyne  Muuse  Biixi  Cabdiye,  oo  isagu  talinaya  nidaamka  dawlada  iyo  caawiyayaashiisana  ku  xulanaya  karti, aqoon,  geesinimo,  hindise,  hal-abuur, iyo  hanad  meel  ku  socda,  Muuqaalkaasi  hadaba  Amin-xaadirtan  aan  ku  suganahay  waxaa  la  odhan  karaa  ( Waa  Xiligii  Geesiga  “Hiil-geesi” )  iyo  waliba  nin-rageedka  kartida  leh  taasina  waxay  saacideysaa  shacabka  raydka  ah  oo  helaya  waxay  u  cugteen  hogaanka  dalka  ugu  sareeya,  Amintan  waxaan  ku  rajo   weynahay  iney  ku  gaba-gabeysanto  hiilka  geesiga  iyo  hormadii  kartida si  loo  hago  qarankan  curdinka  ah  oo  isagu  hiil  iyo  tabaya   ragiisii,  Een  u  baahnayn  cid  ka  shaqaysata.

Amintan  hada  la  galey   waxaan  ku  ururinayaa  iney  tahay  (Hiil-geesi),  rukunkaasina  waxa  uu  sahlayaa  in  qarankan  Somaliland  ka  dul-dago  haro  doomida  oo  barwaaqiyo  raxmadba  gin-giman  lagagana  talaabi  karro   dhamaan  wixii  la  tabanayo,  Hada  waxaan  u  bushaareynayaa  geesi  kastoo  dib  loo  dhigey  in  maanta  xakamihii  wakhtigu  ka  furey  taasina  waxay  dan  u  tahay  bulsho-weynta  reer  Somaliland, Waxana  ku  xidhan  horu-socodka  iyo  horumarka  dalkan  Somaliland oo  la  daneynayo  inuu  ka   dhex  mudho  mustaqbal  mandaqadan  geeska-afrika  ee  aan  ku   dhaqan  yahay,  Murtiyo  al-muraad  waxaan  ku   soo   af-meeri  Geesiyaw  maanta   waa  Amintaadiiye  Qarankaaga  iyo  Qookaagaba  u  guro  aad  maydhid  wacaashii  (Kal-ceebeekee).

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

COMMENTS