BALIGUBADLE MEDIA
Aktarka Caanka ah ee Akshay Kumar oo Markii U Horaysay La Hadlay Taageerayaashiisa Soomaalida
January 22, 2018 - Written by admin

Atooraha caanka ee dalka Hindiya Akshay Kumar ayaa markii ugu horeysay fariin usoo direy taageerayaashiisa Soomaalida ah xilli uu wareysi siinayay BBC Somali.

akshay kumar-
Soomaalida oo ah dad aad u daawda aflaamta hindiga laga soo bilaabo sanadihii 1970-meeyadii ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa ay jecelyihiin atoorayaasha Hindiga, gaar ahaan Akshay Kumar oo caan ku ah filimaadka jacaylka.

Wariyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato ayaa Akshay weeydiiyay in uu ka warhayo in aflaamtiisa laga daawdo Soomaaliya, wuxuuna yiri “Runtii ma aanan ogeyn in ay Soomaalida i daawadaan, balse arrintaas waan ku faraxsanahay, waxaanan rajaynayaa in aan mar imaado Soomaaliya” .

Akshay ayaa Soomaalida ka codsaday in ay daawdaan filimkiisa cusub ee Padman, islamarkaasna uu iman doono Soomaaliya.

Akshay ayaa waxa uu jiley filimkii ugu horeeyay oo looga hadlo caadada dumarka oo dhawaanta soo baxaya, waxaana la’is weeydiinayaa in majaajilada ay jabin karto xeendaabyada adag ee ku xeeran caadada oo dad badan ay u maleeyaan arrin ceeb ah.

Filimka waxa uu ka hadlayaa halganka muddo 20 sano ah uu u galay nin faqri ah oo iskuulka ku dhacay, una dhashay Hindiya, kaas oo isku dayay in uu xaaskiisa u helo taambooni (xafaayadda dumarka), balse markii dambe wax ka badalaya nolosha malaayiin dumar ah.

Taariikhda gabadhii ugu horeysay ee Hindiya ka noqotay sawir qaade
Atariisho lagu ‘kufsaday’ dalka Hindiya
Jilaaga caanka ah Shashi Kapoor oo dhintay

Akshay ayaa dhex wareegaya tuulada uu degenyahay isaga faraxsan, balse lagama warhayo in uu tijaabinayo xafaayado cusub oo uu isaga sameeyay.

Waxaa dhexda ugu xiran caag uu ka buuxiyay dhiig riyo, kadibna uu dhiiggaas ku tijaabinayo xafaayad uu ka sameeyay suuf.

Balse sheekada uu filimka ku socdo waa qiso dhab ah oo qabsatay nin lagu magacaabo Arunachalam Muruganantham, kaas oo sameeyay warshad samaysa xafaayadaha kadib markii sanadkii 1998-dii ay xaaskiisa dhib kala kulantay helitaanka sheygan, iyada oo gobolka ay ku noolyihiin uu ceeb ka yahay in xitaa lagaa iibiyo.

La’aanta xafaayadaha ka qeybqaata nadaafadda qofka dumarka ah ayaa waxa ay saamaysay illaa 300 milyan dumar ah dalka Hindiya, kuwaas oo halis ugu jira cuduro, dhalmo la’aan, iyo waliba geeri.

Muruganantham oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xaaskiisa iyo hooyadiisba ay ka carareen markii uu bilaabin tijaabinta suufka, waxayna u arkeen in uu qabo xanuun xagga galmada ah.

Balse sanadkii 2006-dii ayuu soo saaray makiinado cusub oo lagu sameeyo xafaayadaha, isaga oo qiimo jaban ku siiyay ururada haweenka Hindiya iyo hay’adaha maxaliga ah ee arrimaha dumarka ka shaqeeya

Maanta illaa 40 milyan oo dumar ah oo reer Hindiya ah ayaa ka faa’iideysta makiinadahan, waxaana jira qorshayaal lagu gaarsiinayo dalalka Kenya, Srilanka , Nigeria iyo Bangladesh.

Twinkle Khanna oo qeyb ka ah dadka soo saaray filimka Padman ayaa sheegtay in markii koowaad ninkan sheekadiisa ay ku aragtay qadka, kadibna ay aad ula dhacday.

“Waxaan u arkay in sheekadan ay tahay mid mudan in ay gaarto guri kasta oo Hindiya ku yaala, iyo adduunkaba, sababtoo ah waxaan u malaynayaa in ceebeynta caadada aysan ahayn wax Hindiya ku kooban, balse gaarsiisantahay aduunka oo dhan” ayay tiri Twinkle.

Twinkle ninkeeda Akshay Khan ayaa markiiba ogolaaday in uu isaga jilo Muruganantham.

Wariyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato oo qadka taleefoonka magaalada Mombay ku wareystay Akshay Kumar ayaa weeydiiyay waxa ku kalifay in uu jilo filimka Padman, wuxuuna yiri “Waxaan ogaaday in dad badan oo reer Hindiya ah aysan heysanin musqulo, banaanada iyo xeebaha ayay ku saxaroodaan, sidaasi si la mid ah waxaan ogaaday in boqolkiiba 54% ay dumarka Hindiya heysanin suufka nadaafadda ee caadada loo isticmaalo”.

Wuxuu intaas ku daray “Intooda badan ma awoodaan, waxayna adeegsadaan carrada, dambaska, iyo maryo wasaq ah, waana xaqiiq jirta oo ay tahay in aan wax ka sameeyo”.

Sidoo kale waxaa la weeydiiyay waxa uu ka yaqaano Soomaaliya, wuxuuna yiri “Waxaan ogahay in ay Soomaaliya tahay dad aad u qurux badan, waxaan aad ula cajabay quruxda xeebaha Soomaaliya, waxaan kaloon ogahay in caasimaddu tahay Muqdisho”.

BBC somali

COMMENTS