BALIGUBADLE MEDIA
Agaasime Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ka Tirsan oo Kabaha La Dulmaray Badkana Soo Dhigay Nidaam Xumadda Haysata Xukuumadda uu Ka Tirsanyahay
January 3, 2018 - Written by admin

Agaasimaha Guud ee Wasaaraddii Duulista Hawadda  Somaliland balse Wasaaraddiisa loo bedelay Hay’adda  Maamulista Madaaradda iyo  Duulista Hawadda ee Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid), ayaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee uu ka tirsan yahay iyo Xukuumaddii ka sii horaysay ee uu iyana ka soo tirsanaa ku macneeyey kuwo go’aano fashil o oo is daba jooga ay caado u noqotay maadama sida uu ku dooday hawlgalkii hada u dambeeyey ee Bilaysku ay Suuqyadda dhalinyarta ku u gaadhsanayeen si ay timaha maqasyo ugaga xiiraan iyo go’aano kale oo Xukuumadii hore sidan oo kale u qaadatay ay ka shifaadi ka dhalatay ka dib markii aqoon daro ka dhalatay in aan wax deraasad iyo qorshe 


midna lagu gelin hawlgaladan.

.Agaasime Guud md Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid), ayaa qoraal uu ku naqdiyey hab dhaqankan Qorshe Xumadda iyo Deraasad la’aanta ee Xukuumaddan iyo Xukuumaddii ka horaysay ku galaan hawlgaladda Ciidanka Bilayska oo Wasaaradda Daakhiliga Somaliland amaro aan Cilmi ku dhisnayn siiya inay sababtay in go’aanaddaasi fashilmaan, waxaanu ku taliyey in hawl gal kast am go’aan kasta oo dawladda ka imanaaya loo baadi doono cid cilmiga shaqadda ama hawlgalka la qaban doono leh oo Deraasad iyo Qorshe cad marka hore sii dejisa si aan fashilaad arintu ugu dhamaanin.

Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid) qoraalka uu kaga hadlay Fashilaadaha ka dhashay go’aanadda dawladda ka soo baxa ee kii ugu dambeeyey yahay kii Bilaysku ay Suuqyadda dhalinyarta ka u gaadhsanayeen si ay timaha maqasyo ugaga xiiraan, waxa qoraalkaasi oo Barkulanka FACEBOOK-giisa uu ku leeyahay ku baahiyey u dhignaa sidan.

Daraasad la’aan:

============

 Dalkeena marka hawlgal la samaynayo ama wax la unkayo, badanaaba si toos ah ayaa loo bilaabaa iyada oo aan la samayn daraasad rasmiya oo ku saabsan waxaas la fulinayo.

 Waliba Hawgalada dawlada ayay ku badan tahay daraasad la’aantu, in kasta oo ganacsigana ay ka jirto marar badan.

 

Taasi waxay sababtaa inta badan in hawshaas la fulinayo ay fashilanto ama ayna si fiican u fulin oo ah sidii la rabay.

Maalin dhawayto oo aan ka qayb galay casuumad loo sameeeyay abtigay Bile rafle oo ah xidiga saraakiishii dawladaha  soo maray ee lagu majeerto wax qabad, wuxu sheegay inaanu waligii samayn mashruuc bilaa daraasad ah oo aanu ka baaraan dagin. sidoo kalena mashruuc kasta  oo aan sameeyo wuxuu ahaa mid dad waynahu isku raacay inay  iyagu u baahan yihiin ee muu ahaan jirin mashruuc aan anigu soo hindisay ayuu si kooban u yidhi Suldan Bile rafle.

Arintii maalintii dhawayto dhalinyarada timaha lagaga jaray, arimo dhawr ah oo ka soo baxay wasaarada daakhiliga wakhtigii wasiir warancade joogay oo ay ka mid ahayd in gawaadhiga waa wayn ama booyadaha turuska hore laga jaro iyo kala badalkii labada wado ee hal bawlaha iyo ta dhakhtarka daba marta, intaasi tusaale fican ayay u yihiin, waxa lagu galay bilaa daraasad.

 Waxa muhiim ah in marka arin mujtamaca saamayn ku leh la samaynayo ama amar soo baxayo in hayadaha dawliga ah ama wasaarada ay arintaasi qusayso ay samayso daraasad dhamaysitran oo marka hore isu keento dadka aqoonta arintaas u leh oo ay fadhiistaan.

oo si fiican loo darso ,qaabka loo fulinayo, (consequences) ama xaaladaha arintaas ku xeeran, xalalka dhaw iyo kuwa fog ee lagu furdaamin karo, qiimaha ay ku kacayso, khasaaraha ay keeni karto, sida loo yaraynayo khasaaraha, iyo waliba badiilkeeda ama ( alternate way ) kale ee looga wareegi karo hadii hawshu fuli waydo, iyo waliba wacyi galin ku filan.

Intaas marka la sameeyo, waxa soo baxaysa in natiijo fiican la helo, dad waynuhu waxay fahmayaan in dawladoodu soo diyaar garawday oo qorshe fiican la timid, taageero fiicana way la bar bar istaagayaan.

Diinteena arintaasi base ama sal ayay u tahay, oo waa in tashiga la badiyo intaan hawsha la galin.

 

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS