BALIGUBADLE MEDIA
Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Wadooyinka oo Wakhtigii Kala Guurka Xaraashay Gaadiid Tiro Badan + Cadadka Gaadiidkaas.
January 23, 2018 - Written by admin

Agaasimaha waaxda gaadiidka wasaaradii hore loo odhan jiray hawlaha guud hadana la yidhaado wasaaradda gaadiidka iyo wadooyinka iyo sidoo kale agaasimihii gaadiidka loo yaqaan (GT) ee Dawladda saleebaan ayaa mudadii kala guurka ee labadda xukuumadood xilalka lakala wareegayeen kadib waxay xaraasheen gaadiid gaadhaya lix gaadhi oo iskugu jira gaadiidka loo yaqaan surfyadda, VX ama calaawi iyo gaadiid kale kuwaas oo hore u ahaa gaadiidadii kala gadisanaa ee laga soo kaxeeyay wasaaradaha dalka islamarkaana dibu habayn lagu sameeyay.

sugal

labaddan agaasime oo mudadii uu meesha joogay uu keenay cali mareexaan ayaa ku mamamay hantida qaranka iyagoo sidoo kale lunsaday lacago xaddi badan oo ka soo xarooda liisamadda gaadiidka kuwaas oo marka laga yimaado lacago 450 ah oo cashuurta dawladda gala mooyaane uu inta kale iska lunsado agaasimaha waaxda gaadiidka sugaal oo aan isagu u aabo yeelin lunsiga hantida umadda

si kastaba ha ahaatee wasiirka gaadiiska iyo wadooyinka ayaa looga fadhiyaa inuu go’aan adag iyo dabagal balaadhan ku sameeyo musuqmaasuqa baahsan ee ay ku jiraan labadan agaasime ee ku mamay lunsiga hantida umadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS