BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi Iyo Waftiguu Hogaaminayay oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
January 8, 2018 - Written by admin

madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhawayd dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigiisa ayaanay cidina ku soo dhawayn garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo dageen, iyada oo guud ahaan shacabka magaalada Hargeysa aanay dareemin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo muujinaya in madaxweyne Muuse Biixi dalka ku soo laabanayo.

mmm

Wararka laga helayo soo laabashada madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegaya inaanu la hadlin warbaahinta isla markaana uu toos u tagay xafiiskiisa qasriga madaxtooyada isaga oo hore ka bilaabanay hawlihii  sugayey mudadii uu ku maqnaa dalka Jabuuti.

Wasiirada arimaha dibada iyo waxbarashada ayaa faah faahin ka bixiyey safarka uu madaxweyne Muuse Biixi ugu maqnaa dalka Jabuuti.

Sidoo kale garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaan laga dareemin wax isbadal ah oo muujinaya in madaxweyne Muuse Biixi soo dagayo, iyada oo xubnaha golaha wasiiradana aanu mid kaliyana iman garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale may jirin dadweyne loo soo abaabulay soo dhawaynta madaxweynaha, arday la soo saaray, askar wadooyinka la tumay iyo caalamad kasta oo muujin karaysay in madaxweyne Muuse Biixi dalka ku soo laabanayo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS