|
|||||
BALIGUBADLE MEDIA
5 sababood awgood Dib u qaabeyn midab buluug ah ku jiro ayuu calanka Somaliland ku banaan yahay !!.Dr.khadar-Libaaxley.
January 28, 2018 - Written by adminCalan sababta uu u jiro ayaa ah in uu yahay astaanta sumada dal xuduudo la layaan leh iyo dadkiisa uu ka dul babanayo hadh iyo habeen walba; isweyn ku qotonta calanka ayaa ah , maxay tahay sirta ku jirta waxa uu ka koobanyahay calanka iyo xidigta madaw calanka somaliland u taaganyahay ?! Wax aan filayaa Saddexda midab ee cagaarka, cadaanka iyo casaanka ee xudunta u ah curiyayaasha uu ka koobanyahay calanka jamhuuriyada Somaliland yagleel ahaan in uu ka asal qab ( calanka jamhuuriyada irland- UK) oo qayb ka aheyd ( British protectorate of Somaliland ) waayo calanka saddexdan midab waxa leh wadamo badan oo ingiriis gumeystay iyo waliba ingiriis laftiisa sida 🙁 Ireland , india iyo jasiirada Socotra ee yemen ). Calan marka dal iyo dad jiraa sameysanayaan waxa ay ku saleeyaan yagleeshiisa ( dhankooda, diintooda iyo wixii ay uga maarmi waayaan astaanta jiritaankooda) Dunida waxa ay ka koobantahay 197 marka lagu daro Somaliland; 65 dal oo ka mid ah 197 kaa ayaa astaan diimeed kuleh calamadooda; ( muslim symbol flags countries 33% ) ( Christian symbol flags countries 48%) . Soojeedin iyo sababaha qiimaha midabka buluuga ah: Qof ahaan waxa aan soo jeedinayaa in calanka Somaliland dib u qaabeyn lagu sameeyo; gaar ahaan ( lagu daro qayb midab buluug ah iyo xidigta hada madow oo dib loo caddeey oo laga dhigo xidig cad sababahan dartood). 1. Midabka buluuga ah ama blue-light ka ah sirta dhabta ah ee dahsoon ee ku jirtaayi waa ( astaanta jiritaanka caalamka tawxiid dabadii) waa midab safka hore kaga jira midabada ( ALLE ee 7 ah ) dunida oo kaliya marka laga yimaado waa calanka astaanta guud u ah caalamka oo dhan ( cir iyo dhul intaba) mudane akhriste kor eeg cirka oo dhami waxa uu huwanyahay calanka astaanta buluuga ah , bal u fiirso dhulka oo dhan calanka uu huwanyahay waa buluug waayo arladu 71% waa biyo waliba biyo badeed , Baduhu astaanta calanka ay sitaan waa buluug ,sidaa darteed midabka qiimahaa leh waa mahuraan in uu calankeena qayb ka noqdaa. 5. ugu dambeyn abwaan gaariye ayaa gabay ka mid ah gabayadiisii ku sheegay in ictiraafkii inaga jiro xidigta la yidhaa ( dagaara ) oo ay tahay in laga doono xidigtaas, si aynu xidigtaa dagaara u aragno waa in xukuumadu cadeyso xidigtan madow ee calanka badhtanka u yuurarta, wey wacnaan lahayd hadii 4 ama 5 xidigood oo cad-cad lagu xoojiyo!!. Fiira gaara: Waa suuragal in aad isweydiiso haduu buluug waxtarayo somaliyaba waa taa burburtay!! Calanka somaliya sidiisa ayuu u yahay habaar , habaarkiina waakaa Somalia ku dhacay!! Waayo midabkii cirka oo u taagan astaanta awooda ayey qaateen oo aan badhax la hayn been weyna wey ku dareen oo hal xidig ah ayey ku sharaxeen ; sirta faham oo u fiirso , midowga yurub , Britain iyo Australia calankoodu waa buluug balse dhawr xidigood iyo badhax ayey ku dareen ; hadaaney sidaa yeelin astaanta awooda midabka buluuga ayey u burburi lahaa yeen. Gunadka qormadeydan waa codsi cod sare ah : Madaxweyne waxa aan cod dheer kaag codsanayaa in aad cafis madaxtooyo u fidiso labada wariye ee ka hawl-gala Gobolka Awdal-Borama; oo lagu xukumay 2 sano oo xadhig ah xukuumadana u xidhan illaa hada waxa ay xidhnaayeen ku dhawaad 50 maalmood , wariyayaasha waxa la kala yidhaa: axmed diiriye ciiltire iyo maxamed dabshid. Dr.khadar -Libaaxley COMMENTS
|
|||||