BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Somaliland Oo La Sheegay In Ay Hakisay Saldhiggii Milateri Ee Imaaraadku Berbera Ka Waday –
December 26, 2017 - Written by admin

Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay in ay hakisay hawlaha saldhiga Military ee dawlada Imaraadka Carabtu ka dhisaneysay magaalada Berbera .Ma jiro war rasmi ah oo dawalada Somaliland ay ka soo saartey arintan , lakiin ilo xog ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Africa u sheegay in wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Sacad Cali Shire uu tobaad ka hor dawlada Imaraadka caraba u diray qoraal uu ku war galinaayo in ay hakiyaan wax kasta oo hawlo ah oo ku saabsanaa saldhigaas oo ay wadaan .

muuse afwayne

Waxaana la sheegay in wasiirku qoraalkiisa ku sheegay in dawlada Somaliland ay dib uu eegis ku sameynayso waxii isfaham ahaa ee Saldhigaas ku saabsan . Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in xukuumadu go,aansatey in ay qabsato shirkad caalami ah oo Somaliland kala talisa arimaha Saldhigaas , wararka uu Geeska Africa helay ayaa sheegaya in aanu jirin heshiis rasmi ah oo dawladii Madaxweyne Siilanyo la gashay dawlada UEA oo ku saabsan saldhiga , balse la kala saxeexday isfaham guud , taas oo hadii ay jirto xukuumada madaxweyne Biixi u sahleysa in uu dib eegis ku sameyn karo .

Wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire oo uu geeska Africa isku deyey in uu wax ka weydiiyo qoraalkan hakinta ee dawlada Imaraadka Carabta u qoray ayaan noo suurto galin , sidoo kale waxaanu isku deynay in aanu arintan wax ka weydiino wakiilka Somaliland ee Imaraadka Carabta Baashe Cawil oo aanu isna weynay , hasa yeeshee qoraalkan la sheegay in wasiir sacad u qoray ayaa ku soo beegamaya iyada oo dhawaan dawalda Imaraadku shirkada Divers Marine Contracting LLS Qandaraas ku siisay dhismaha saldhigaas kaas oo ay ku baxeyso lacag ay shirkadu ku sheegtay 90 Million oo Doller Mareeyaha Shirkada Cabdla Darwiish ayaa saxaafad u sheegay in shirkadiisu heshiiskaas saxeexday bishii April ee sanadkan sii dhamaanaya

Baarlamaanka Somaliland ayaa bishii February ee sanadkan fadhi muran badanu ka dhashey waxaa ay aqlabiyad ku meel mariyeen waxaa loogu yeedhay heshiiska Saldhiga Berbera iyada oo aan la soo hor dhigin golaha qoraal ku saabsan heshiiska rasmiga ah oo ah saxeexa laba dawladood ee Imaraadka iyo Somaliland ka saxeexdeen , waxaana labada gole lagu dhaafiyey ansixinta mashruucan awood dhaqaale iyo mid dawladeed .

Mucaaridka Somaliland ayaa in badan ku dooday in aanu jirin Heshiis rasmi ah oo labada dawladood kala saxeexdeen .

Source: Geeska

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS