BALIGUBADLE MEDIA
Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay oo Cambaareeyay Dil Loo Gaystay Askari Ka Tirsan Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Congo
December 9, 2017 - Written by admin

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa dembi dagaal ku tilmaamay dil loo geystay ugu yaraan 14 askari oo ka mid ah ciidanka nabad ilaalinta u jooga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, kuwaasoo u dhashay dalka Tanzania.

Antonio Guterres
Guterres ayaa sheegay in weerarkaasi oo habeenkii Khamiista ka dhacay gobolka waqooyiga Kivu uu ahaa kii ugu xumaa ee taariikhda dhaw soo mara ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.

Howlgalka nabad ilaalinta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo lagu magacaabo Monusco ayaa sheegay in nabad ilaaliyayaashaasi ay ku dhinteen ka dib weerar uga yimid jabhadda Allied Democratic Forces (ADF) kaasoo ka dhacay gobolka waqooyiga Kivu.

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhintay shan askari oo ka tirsan ciidanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Xooggag looga shakisan yahay jabhadda ADF ayaa bishii October dalkaasi ku dilay laba ka mid ah ciidanka nabad ilaalinta, sida uu kusoo warramay weriyaha BBC ee caasimadda Kinshasa.

Dhowr jabhadood ayaa ku dagaallamaya gacan ku haynta gobolkaasi macdanta qaniga ku ah, waxaana mararka qaar ay la dagaallamaan nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay iyo ciidamada Congo.

Source:-BBCsomali

COMMENTS