BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga haya tallada K/Afrika oo dooranaya hoggaamiye cusub
December 16, 2017 - Written by admin

Xisbiga haya tallada Koonfur Afrika ee ANC ayaa isku diyaarinaya doorashada hoggaamiyaha cusub ee beddeli doono madaxweyne Jacob Zuma oo haatan haya xilkaasi.

Ilaa shan kun oo xubnood oo ka tirsan xisbiga ANC ayaa haatan kusii jeedaa maagalada Johannesburg si ay u doortaan hoggaamiyeyaasha cusub ee xisbigooda.

cnabf

Musharaxiinta ugu cadcad ee ka qeybgalaya shirka Johannesburg ayaa kala ah madaxweyne ku xigeenka haatan ee xisbiga haya tallada, Cyril Ramaphosa iyo Nkosazana Dalmini- Zuma oo horey usoo noqotay wasiir, ahna xaaskii hore ee madaxweyne ZumaXiisada ka taagan hoggaanka xisbiga ayaa dhalisay cabsi ah in xisbiga ANC uu u kala jabi doono laba qeybood ka hor doorashada 2019-ka ee dalkaasi.

Waxaa jiro caqabado dhanka sharciga, eedeymo musuqmaasuq iyo hamuun loo qabo ogaanshaha cidda beddeli doonta madaxweyne Jacob Zuma oo ah haatan hoggaamiyaha xisbiga.

Madaxweyne Zuma ayaa sii ahaan karo madaxweynaha dalka ilaa iyo inta laga gaarayo doorashada 2019-ka.
Cid walba oo kusoo baxda hoggaamiyaha xisbigan ayaa kala wareegi doonta xilka madaxweynenimo ee Koonfur Afrika.

Haweeneydan Nkosazana Dalmini- Zuma, ayaase heysata taageero xoogan. natjiijada cidda kusoo baxda hoggaamiyaha xisbiga ayaana waxaa la ogaan doonaa maalinta beri ah ee Axada.

Sikasataba, Xisbiga haya tallada Koonfur Afrika ee Xisbiga Qaranka Afrika oo loo soo gaabiyo ANC ayaa ku waayay taageerada dadweynaha Koonfuur Afrika musuqmaasuqa iyo dilalka ka dhacay dalkaasi awgood.

Balse wali waa xisbiga siyaasadeed ee ugu quwada weyn ee ka jira dalkaasi 23 sano oo uu xukunka soo hayay.

Bbc somali

COMMENTS