BALIGUBADLE MEDIA
“Waxa Uu Muuse Biixi Xukuumadan Ka Dhaxlayaa Musuq-maasuq, Qabyaalad, Sicir Barar, Dhul Boob iyo Cadaalad Darro” Xildhibaan Dheeg
December 4, 2017 - Written by admin

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin “Dheeg” oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka hadlay waxyaabaha uu Madaxwaynaha Cusubi ka Dhaxlayo Xukumadda xilka wareejinaysa waxaanu sheegay in Muuse Biixi dhaxli doono xukuumad ay hadheeyeen dal uu musuq hadheeyey, cadaalad darro ka jirto isla markaana aanay meeli u fayoobayn.

xildhibaan dheeg

Xildhibaan Dheeg ayaa sidoo kale rejo wanaagsan ka muujiyey in xukuumadda Muuse Biixi ay dhaami doonto tan hadda joogta, waxaana uu sheegay inuu Muuse qaadayo tallaabooyin wanaagsan oo rejo leh.

Xildhibaanka ayaa waxa uu geesta kale ka digay in Muuse Biixi dhegeysto waxa uu ku sheegay waraabayaasha xilalka doonaya ee ka dagaalamaya in la dhiso dawlad tayo, waxaana uu xildhibaanka hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan rejaynayaa dawladda Muuse Biixi uu dhaxlay mid ka liidata inaan laga dhaxlayn, waxaan aad ugu rejo waynahay in laga dhaxli doono mid aad u dhanta tan uu maanta dhaxlay, waayo dawladda uu maanta la wareegayo lama arag weli dawlad dhisan oo heerkaas gaadhay, musuq-maasuq, qabyaalad, sicir-barar, dhulboob, cadaalad-darro ma jirto dawladda uu Muuse dhaxlay meel fayoobayd ma jirto. Haddii uu sii jirana waxaan filayaa inuu ku dhiiranayo meel aan cidi ku dhiirateen, durba tallaabada uu qaaday ee ah dawlad kooban haddii uu ka adkaysto waraabayaasha yaacaya ee gu-gujinaya ee uu aadna u jeclaa ee uu odhan doona anna igu dar, haddii uu ka adkaysto oo uu 15 kaa wasiir si cadaalad ah u dhiso waynu sii taagnaanaynaa baan qabaa wadankana inuu Ictiraaf gaadhi doono ayaan qabaa”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS