BALIGUBADLE MEDIA
WAX KA BARO SHURUUCDA DALKAAGA
December 31, 2017 - Written by admin

Qormadan waxaynu kaga hadli doonaa kuna soo bandhigi doonaa qodobo muhiim ah in bulshadu wax ka ogaato ama ka barato oo ka mid ah dastuurka jamhuuriyada Soomaaliand oo sheegaaya ama ka waramaaya arrimo kala duwan oo ay muhiim tahay muwaadin inaad wax ka barato sababtoo ah inbadan oo aad shuruucda dalkaaga hooyo wax ka ogaataa waa inbadan oo aad taqaano waxa xaq laguugu leeyahay, waxaad adigu xaq u leedahay, maxaa damnbi ah maxaanse danbi ahayn iyo amuuro kale oo aad u tira badan.

Ujeedada aynu qormooyinkan kala duwan ee ku sabaaban shuruucda dalka  soo bandhigi dooda ka leenahay waxaa weeyi oo kaliya in bulshadeenu barato ama wax ka ogaato shuruucda kala duwan ee dalkooda hooyo.

Dastuurka Qaranka

QODOBKA 79AAD
EEDAYNTA XUBNAHA GOLAYAASHA
1. Xubnaha Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) waxa lagu oogi karaa dacwad dembi
ah haddii la qabto xubinta ama xubnaha iyagoo faraha kula jira faldembiyeed
(Flagrante Delicto), dambigaas oo ciqaabtiisu ugu yari tahay saddex (3) sanno oo
xadhig ah.
Hase yeeshe, lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta
ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.
2. Dacwadda dembiga ah ee Iagu eedaynayo xubnaha Golayaasha waxa soo oogaya
Xeer-ilaaliyaha Guud, ka bacdi marka Golaha xubintu ama xubnuhu ka tirsanaayeen
ay maamuuska kaga xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.
Waxa dacwaddaas dhegeysigeeda awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda
(High Court of Justice)
QAYBTA SADDEXAAD
WAAXDA FULINTA
XUBINTA IAAD
QODOBKA 80AAD
MADAXWEYNAHA lYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
Qaranku wuxuu yeelanayaa Waaxda Fulinta, oo ka gaar ah kana madaxbannaan waaxyaha
Xeer-dejinta iyo Garsoorka.
QODOBKA 81AAD
WAAXDA FULINTA
Waaxda Fulinta (oo mararka qaarkood Ioogu yeedho (Xukuumadda) ) waxa madax ka ah
Madaxweynaha, waxaanay Ra Rooban tahay:
* Madaxweyne;
* Madaxweyne-ku-xigeen;
* Iyo Golaha Wasiirada ee Madaxweynuhu magacaabo.
QODOBKA 82AAD
SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE
AMA MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN
Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka buuxiya
shuruudaha soo socda:
1. Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale
haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.
2. Waa inuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.
3. Waa inaanay da’diisu ka yaraan afartan sano {40}.
4. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa
5. Waa inuu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid dawliya
iyo mid kaleba}.
6. Waa inuusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland.
7. Waa inuu xaaskiisu yahay Muslim.
8. Waa inuu xog-ogaal u ahaado xaqaa’iqa dalka ka jira, isaga oo joogay ugu yaraan laba

sano ka hor taariikhda doorashada loo cayimay inay qabsoonto.
9. Waa inuu hantidiisa diiwaan geliyo.
QODOBKA 83AAD
HABKA DOORASHADA
1. Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa qaabka
doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.
2. Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku mar loo
codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa bil ka hor
dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.
3. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u
xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka
muddo bil ah gudaheed.
4 Waxa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweyaha iyo Ku-xigeenka
Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin
liistada hesha codadka ugu tirada badan.
5. Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto
doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii
xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u
kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya
muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto
QODOBKA 84AAD
DHAARTA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKA
MADAXWEYNAHA
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waxa Iagu dhaarinayaa ka hor intaanay
xilka la wareegin xaflad ay goob joog ka yihiin Madaxda Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida
iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
QODOBKA 85AAD
WAXYAABAHA KA REEBBAN MADAXWEYNAHA
IYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
1. Uma bannaana Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo
Marwooyinkoodu inay galaan ganacsi muddada ay xilka hayaan.
2. Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo (45) cisho oo isku xiga muddo ka badan
sabab caafimaad mooyaane.
3. Hadiyadaha la siiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo
Marwooyinkooda iyo Madaxda sare ee Qaranka ee Ieh muuqaal Qaran iyada oo lagu
maamuusayo xilka ay hayaan waxa weeye hanti Qaran.
QODOBKA 86AAD
BANNAANAANTA JAGADA IYO HABKA UU
MADAXWEYNUHU AMA MADAXWEYNE KU-XIGEENKU
XILKA UGA TEGI KARO
Waxay jagada Madaxweynaha ama ku-xigeenka Madaxweynuhu iyo Kuxigeenka
Madaxweynuhu bannaanaan kartaa haddii ay dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos ku
sheegan:-

1. Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyay.
2. Hawsha oo uu caafimaad darro darteed u gudan kari waayo.
3. Geeri ku timaadda.
4. Is-casilaadda Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu qoraal xil-kategis ah u gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha Golaha
Guurtida, waxayna labada Gole fadhi wada jir ah ku oggolaan karaan ama ku diidi
karaan aqlabiyad tirada guud ee labada Gole.
5. Haddii ay Golayaashu diidaan codsiga xil-ka-tegidda ee ku sheegan faqradda 4aad ee
qodobkan waxaa Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenku xaq u yeelanayaa
in uu mar labaad keensado codsi dalab xil-ka-tegis ah muddo aan ka badnayn saddex
bilood marki uu codsiga hore qortay; waxaana waajib ku ah labada GoIe in ay xil-kategidda ka oggolaadaan.
QODOBKA 87AAD
MUSHAHARKA & GUNNADA
Mushaharka, gunnada iyo hantida Dawadda ee ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka
Madaxweynuhu ku dhaqmaan waxa qeexaya xeer.
QODOBKA 88AAD
MUDDADA XILKA
1. Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka
bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.
2. Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
QODOBKA 89AAD
HABKA BUUXINTA JAGADA BANNAANATAY
1. Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado
Madaxweynaha saddexda sano ee u horreeya shanta sano ee xilka loo doortay, waxa
Madaxweyne Ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne ku meel gaadh ah, waxaana
Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudohood ah.
2. Haddii Madaxweynaha xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku
timaado labada sano ee u dambeeya muddada shanta sano ah ee loo doortay, waxa
xilka Madaxweynenimo la wareegaya Madaxweyne Ku-xigeenka muddada labada
sano ah ee hadhay, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeen u sharrixi doonaa xubin ka
tirsan Golaha Wakiilada, waxaana ansixinaya labada Gole oo wada jira. Haddii
Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne Kuxigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka
badanayn soddon maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada
Golayaasha.
Waxa xubintu muddada dastuuriga ah hayn doontaa xilka loo magacaabay; isla
markaana waayi doontaa xubinnimadii Golaha Wakiilada.
3. Sidoo kale, marka xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku
timaado Madaxweyne-ku-xigeenka wuxuu Madaxweynuhu u magacaabayaa
Madaxweyne-ku-xigeen xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, oo 2da Gole oggolaadeen.
Wuxuu mudanaha xilka loo magacaabay hayn doonaa jagadaas muddada xilka ka
hadhay, iyada oo ay bannaanaan doonto jagadi Wakiilnimadu. Haddii ay Golayaashu
diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenka, waxa
waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badnayn 30 maalmood
gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada Golayaasha.
4. Haddii ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha isku hal mar ku timaado
xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad, waxa xilka Madaxweynaha si
ku meel gaadh ah u haynaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida. Waxaana
doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha lagu qaban doonaa
muddo Iixdan (60) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabmaysa maalinta ay xaaladdu
sugnaatay.

ALLAA MAHAD LEH

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABUCIZA)

[email protected]

COMMENTS