BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadlay Sababo Keenay In La Hakiyo Saldhiga Milatari Ee Imaaraadku Ka Samaysanayo Berbera
December 27, 2017 - Written by admin

Wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa xaqiijiyay inuu hakad ku yimid saldhigii milatari ee Somaliland ay siisay dalka Imaaraadka Caarbta, arintaas oo wasiirku uu ku sababeeyay inay la xidhiidho in aanay weli farsamo ahaan hirgelin waxyaabii lagu heshiiyay oo aanay dawlada Imaaraadku waxba ka qaban wali. Wargeyska Geeska Afrika ayaa shalay baahiyay in xukuumada Somaliland hakad gelisay saldhigaas.
sacad cali shire
Waxa uu wasiirku sheegay in aanu isagu qorin warqad lagu joojinaayo saldhigaas, waxaase uu qiray inay jiraan waraaqo la xidhiidha hakadkaas oo ay is dhaafsadeen dalka Imaaraadka Carabta oo ay Somaliland wada galeen heshiiskan saldhiga lagu siinaayo.
Wasiirka oo u waramay telefishanka Saab, wuxuu ugu horayn yidhi “Heshiiskii aynu ku ogolaanay in amniga Imaaraadku ay isticmaalaan madaarka Berbera waxa ansixiyay golaha wasiirada golaha wakiilada madaxweynuuna waa uu saxeexay arinkaasi sidiisii ayuu u taagan yahay oo kamaynu noqon, laakiin waxa jira hawlo farsamo iyo qabyooyin jira oo keenay in hakad ku yimaado hawlo wadkii mashruuca, anigu warqad aan u qoray oo aan ku idhi hakiya ama joojiya ama waanu ka noqonay runtii ma jirto, laakiin waa ay jiraan xidhiidh iyo waraaqo aynu is dhaafsanay oo ku saabsan sidii loo qabyo tiri lahaa waxii qabyo ah ee jira.”

Wasiir Sacad oo ka hadlaayay qabyada jirta waxa uu yidhi”Heshiisku qolo walba waxbuu ku waajibinayaa waxyaabaa uu ku waajibinaayo Imaaraadka waxa ka mid ah in la dhiso jidkii Berbera ilaa Wajaale in la dhiso madaar madani ah, labadaas mashruucba ilaa hada qorshahoodii iyo

nashqadoodiiba,bilowgoodii iyo dhamaadkoodiiba wali namay soo gaadhin, waxa jiray arimo la xidhiidha kastamka,madaarka laftigiisa markaas waxyaabo caynkaas ah oo farsamo ayaa jira oo runtii u baahan in la dhamaystiro.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS