BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Cali Mareexaan Iyo Maayerka Burco Oo Waraaqo La Haanshiyo U Samaystay Bakhaaradii Insida Burco Iyo Saylado Maddow Oo Lagu Xaraashayo Dhulkii Burco Oo Ka Dilaacay
December 7, 2017 - Written by admin

Asalamu alaykum  fadlan umada somaliland  u hiliya warkaasi waa xaqiiq  soo dabaca  idinko mahadsan.

Wasiir Cali Mareexaan Iyo Maayerka Burco Oo Waraaqo La Haanshiyo U Samaystay Bakhaaradii Insida Burco Iyo Saylado Maddow Oo Lagu Xaraashayo Dhulkii Burco Oo Ka Dilaacay

Magaallada BURCO Labadii caano maal ee la soo dhaafay waxaa buux dhaafiyey sawaxanka iyo qaylo dhaanta laga muujinayo baloodhaysiga bogcado muhiim ah oo ku yaala magaalada burco kuwaas oo dadweynaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada gollaha deegaanka degmada burco ay ka biyo diideen saylad dihin oo lagu kala iibsanayo dhulka banaan ee ku yaala magaallada burco.

Suuqan madow ee lagu xaraashayo bogcado muhiim u ah shacabka burco ayaa la,la xidhiidiyey inay hormood ka yihiin maayer Maxamed Muraad Iyo Ku xigeenkiisa Xodey kuwaas oo xalaashadey dhulka ay sida badheedhka ah iyo sida qarsoodiga ah ba ku iibinayaan.

Waxaana Soo Shaac baxdey xogo cusub oo dhaawac ku ah haykalka dawladnimada oo ay ku kaceen Maayerka degmada burco iyo wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan kuwaas Oo boobaya dhulka danta guud ee burco, xogaha cusub ayaa sheegaya in dhulkii ama bakhaaradii waaweynaa ee ku yaalay insida ay kala calaamad sadeen Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) bakhaaradaas oo ka koobnaa afar bakhaar ayaa la wariyey inay waraaqo u samaynsteen Wasiirka iyo Maayerka burco.

warqada la haanshaha ee loo samaystay dhulka insida ayaa la hoos dhigay madaxweynaha talada ka siidegaya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) taas oo muujinaysa in digreeto Madaxweyne lagu siiyey labadaa Masuul in lahaansha dhulka ay mataaneyso Wasiir Caliga Hawlaha Guud Iyo Maayerka Burco Maxamed Muraad. Dhanka kale warar lagu kalsoon yahay oo warbaahintu helayso ayaa sheegaya in madaxweynaha la doortay oo cabashada dhulka iyo baloodhaysiga burco dhegihiisa ka bateen amar ku bixiyey in la joojiyo dhulkaas lana dhisan Karin kaas oo ogeysiiyey laamaha amniga inay isha ku hayaan xayiraad uu saaray dhulkaasi ilaa inta dawladda cusub shaqo bilaabayso una jeesaneyso dhulka boobka galay.

Maayerka degmada burco ayaa ah gacan yare wasiirka hawlaha guud u dilaala dhulka oo lana booba taas badelkeedana shardi u haysta inan laga qaadikarin hoggaaminta kursiga dawladda hoose ee degmada burco.

Suxufi Muxuyadin Nuux Jamac

COMMENTS