BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii U Dambeeyay iyo Saleebaan Gaal Muuse Biixi Ka Dalbaday Inuu Xukuumadiisa Ku Soo Daro Wasiirka Hawlaha Guud.
December 2, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha Cusub ee dhawaan la doortay ee aan wali xilka la wareegin Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa laga soo tabinayaa Warar badan oo bulshada Somaliland aad ugu diirsatay,Waxaanu gabi ahaanba joojiyay oo meel adag ka istaagay qaabkii hore ee ay Madaxweynayaashii hore u magacaabi jireen Golahooda Xukuumadda,arintaasi oo bulshada nacsiisay Dawladnimada balse hadda u muuqata mid uu taageero badan Muuse kaga helayo Bulshada.

saleebaan Gaal
Xogo aanu ka helnay Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamud Aadan uu maalin dhawayd kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee Somaliland ee aan wali xilka la wareegin Mudane Muuse Biixi Cabdi. Wararku waxa ay sheegayaan in arimaha uu Gudoomiye Saleebaan kala hadlay Madaxweynaha Cusub uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Maxamed Xasan (Mareexaan),oo sida la sheegay uu ka codsaday Madaxweynaha Cusub inuu ku soo daro Golihiisa Wasiiradda cusub ee uu soo magacaabayo. Waxa ay arintani badh ka tahay dadaalo ay kooxo wasiiro ah oo Xukuumadda xilka ka degaysaa ay ugu jiraan inay ku soo baxaan,kana mid noqdaan liiska Xukuumadda Cusub ee bishan badhtamaheeda Xilka la wareegaysa.
Wararka Kulankaasi ku saabsan oo Xogo lagu kalsoon yahay Wargeyska Foore ka helay ayaa intaasi ku daray in Madaxweynaha Cusub ee aan wali Xilka la wareegin Muuse Biixi Cabdi uu ka gaws qabsaday dalabka uu Gudoomiye Saleebaan ula tagay,waxa uu sida la sheegay aad ugu celceliyay inaanu jeclayn in Xukunkiisa iyo Dadka uu u xulanayo Xukuumadda loo daayo oo aan la soo farogalin sidii Siilaanyo,Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay inuu tiisa ku soconayo ee aanu wax dadka kale ula yimaadeen dalka ku maamulayn,isagoo intaasi ku daray,sida lanoo xaqiijiyay inuu aad u jecel yahay inuu soo dhiso dawlad wada qancisa dhamaan beelaha Somaliland islamarkaana laga dhex arki karo balan qaadkii uu bulshada u sameeyay mudadii uu ololaha doorashada kujiray.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in Gudoomiye Saleebaan faro madhnaan kala soo noqday isagoo ugu dambayna ugu duceeyay Madaxweynaha Cusub inuu Alle u fududeeyo Xilkaasi Cusub ee umaddu u dooratay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS