BALIGUBADLE MEDIA
Ururka Suxifiyiinta Somaliland Ee SECJA oo Ugu Baaqay Suxifiyiinta Somaliland In ay Qaadacaan Shirka Aan Loo Dhamayn Ee Xuuto Tariibinayo.
December 27, 2017 - Written by admin

Ururka Suxfiyiinta Somaliland Ee SECJA Waxay Ugu Baaqayaan Suxifiyiinta Somaliland In Aay Qaadacaan Shirka Uu kaligii Diyaarsaday Ninka Isku Filanta Ah Ee Xuuto,
secja
Warsaxaafadeedkan Oo Kasoo Baxay Xafiiska Suxifiyiinta Somaliland Ee SECJA Berbera Wuxuu Bayaan Kasoo saaray Shirka Uu Ku Baaqay Xuuto Oo Iminka Uu Ka Dhamaaday Mudo Xileedkiisii ,

Ururka SOLJA Waxaa Wada Leh Suxifiyiinta Somaliland Oo Dhan, Laakiin Waxaa Cunaha Iskaga Duubay Koox Kaligood taliyayaal Ah, Ururka Suxifiyiinta Somaliland Ee SECJA Waxaay Ugu Baaqayaan, Kana Codsnayaan Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guray Barwaaqo In Uu Faraha Lasoo galo Arinka Cakiran ee Doorashada Lixaad Ee Ururka SOLJA ,

Waayo Dhoowr Nin Uu Samaystay Xuuto Ayaa Doonaya In Aay Majara Habaabiyaan Ururka SOLJA Si Aay Sifo Aan Sharci Ahayn Ugu Sii Haystaan Maamulka Ururka,,

Waxaan Uga Digaynaa Xuuto  sababihii Dhaliyay In Magaalada Burco Lagaga Dhawaaqo Ururka SECJA In AAnay Dib Usoo Laaban, , Oo Aanay Dhalin In Saxaafada Somaliland Aay Sii Kala Fogaato, Oo Ururo Kalena Samaysmaan,

Waxaanu Wasiirka Cusub Cabdiraxmaan Guray Barwaaqo  Ka Codsanaynaa In Uu Marlabaad Hoos U Eego Baaqa Suxifiyiinta Ururka SECJA iyo Waliba Suxifiyiinta waawayn Ee Ku Kala Nool Caasimada iyo Gobladaba Oo Dhamantood ka cabanaya Maamulka iyo Qabashada Shirka Oo Aan Loo Dhamayn,

Xafiiska Ururka SECJA Berbera

COMMENTS