BALIGUBADLE MEDIA
Trump oo iska fogeeyay Guuldarrada Xisbigiisu Kala Kulmay Gobolka Alabama
December 14, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa iska fogeeyay Roy Moore ka dib markii ay guuldarro taariikhi ah ka soo wajahday gobolka Alabama oo si wayn u taageeri jiray xisbiga Jamhuuriga.

trump sax

Guusha uu gaaray Doug Jones oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa soo yaraynaysa aqlabiyaddii Jamhuuriga ee aqalka Senate-ka iyadoo ay hadda labada xisbi kala yeelanayaan 51-49 kursi, arrintaas oo jahwareer u keensan karta sharciyada uu Trump rabo in uu meelmariyo.

Ol’olihii doorashada ee Moore waxaa hareeyay eedaymo ku saabsan in uu dumar badan si xun ula dhaqmay inkastoo uu diiday eedaymahaas.

Jones wuxuu noqonayaa qofkii u horreeyay ee xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ee gobolka Alabama ku matala Senate-ka muddo 25 sano ah.

Inkastoo ay xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay diideen in ay taageeraan Moore iyadoo bartanka lagaga jiray eedaymo ku saabsan in uu caruur faroxumeeyay, haddana madaxweynaha Maraykanka ayaa si buuxda u taageeray.
Trump ayaa xataa Fariin taleefanka ugu duubay murashixii Jamhuuriga ee eedaymaha la’daalaa dhacayay maalmo uun ka hor intii aysan doorashadu dhicin.
Markiise ay soo baxday in laga guulaystay Twitterkii u horreeyay ee uu qoro wuxuu ugu hambalyeeyay Jones oo xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan guushuna ay raacday.

Laakiin wuu sii waday oo taageerayaashiisa wuxuu xasuusiyay in markii ay socotay doorashadii xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa ahayd in uu isagu taageersanaa Luther Strange oo ahaa ninkii ay sida wayn isu hayeen Moore.

Wuxuu intaas ku sii daray haddii ay jirto wax ay doorashadan xaqiijisay, waa in ay xaqiijisay in xisbiga Jamhuurigu uu u baahanyahay in uu murashaxiin ka dhigto dad miisaan leh si loo kordhiyo aqlabiyadda aadka u yar ee labada aqalba ee wakiillada iyo kan Senate-ka.

Jones ayaa shir jaraa’id oo uu Arbacadii qabtay ka sheegay in ay soo waceen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, hogaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga Chuck Schumer iyo Senater Mitch McConnell.

Wuxuu sheegay in Trump “uu si naxariis leh” oola hadlay markii uu taleefanka u soo diray uuna ku marti qaaday Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo.

Jones ayaana intaas ku sii daray in aysan wali wada hadlin Moore.

Kursiga Alabama waxaa sannadkan horraantiisii banneeyay xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions.

Source: bbc

COMMENTS