BALIGUBADLE MEDIA
Tix Kooban Ninka foodkii uugalay
December 20, 2017 - Written by admin

Tix Kooban

Ninka foodkii uugalay
Four percent %4 soo helay
Haduu faan horeetiyo
Fakhfakhiyo wareeriyo
Cay iyo fatoosh badan
Lafadhiisto degelada
Faaruq weeye kaasiye
Inta ficil ku doodee
Dallkeenaa ku faafsani
Ha fahmeen wadaadkaa
Soo faqaaya xumihiyo
Faqaatiir warskiisoo
Faylkii daraa iyo
Halkii uu fadhiyi jiray
Farta Aan ku fiiqnee
Foojignaa dadkaygaw
Weligiin faquuqoo
Ku fashilan dalkeenee
Falyd Aynu saaroo
Finland haloo diro

Tixda aan furdaanshoo
Warka fooladeeyo
Fidmo weeye odayguye
Fahma kaan ujeedoo
Tuducyadan ufiirsada

Ninkii furee axdiga furay
Ninkii wacadka feedh maray
Ninka faytay meel madhan
Fiidkii kolkay tahay
Halkii geela laga filay
Kan ku fooryay gorayada
Kan ku foogan xumihiyo
Hebel yuu fujaan helin
Xinbuu fooska moodoo
Kufashilan dalkeenee
Falyd Aynu saaroo
Finland haloo diro

Ficiladuu xuslinayaa
Waa shuqul fircoon iyo
Fartii ina suluuliyo
Fir munaafaq dhaqankii
Iyo xaasid fadalkii
Folosh buu ku caanyee
Fanajayna wada dhaha
Foolxumay inootahay
Inuu tago fagaaree
Ku fashilan dalkeenee
Falyd Aynu saaroo
Finland haloo diro
Duqaa Faysal jibirjaan……
By Sacad Balaaki
……

COMMENTS