BALIGUBADLE MEDIA
SOO CELINTA WASIIR SHUGRI BANDARE WAA KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR
December 20, 2017 - Written by admin

Tan iyo intii liiska golaha wasiirada ee xukuumada madaxweyne Muuse
Biixi la soo saaray , dadka ku dhaqan gobolka Daadmadheedh waxay is
weydiinayeen soo celinta wasiir Shugri Bandare ma xalbaa mise waa xul,
Hadii aan ku sii gondo dago aragtida taban ee ay dadka ku dhaqan
gobolka Daadmadheedh arintaas ka qaban waxay aamin san yihiin in aanay
haboonayn soo celinta wasiir shugri, iyadoo mudadii wasiirka ay ka soo
ahayd xukuumada madaxweyne siilaanyo aan looga baran siyaasada qaan
gaadh ah ama aanay ku sifoobin wasiir kasbatay taageerada shacabka ku
dhaqan gobolka daadmadheedh guud ahaan marka laga yimaado deegaano
dhawr ah oo wasiirada jufadeeda hoose degto.
Waxa sidoo kale marka aad u sii dhabo gasho aragtida taban ee dadka ku
dhaqan gobolku ka qabaan soo celinta wasiir Shugri ku soo baxaysa in
talo qaadashada wasiiradu  ku  koobnayd mudadaas ay xilka haysay dad
aan aragti fog lahayn amaba aanay haboonayn in talo dad noocaas ah ka
soo baxday qof masuuliyada intaa leeg hayaa ku go’aan qaato sida
caruur under  age ah iyo wax ma kasta ay kala xidhiidhi jirtay arimo
badan oo khuseeya gobolka.
Waxay sidoo kale dhaliilaha dadku u cuskanayaan ku qanac la’aanta
wasiir shugri ugu badan in aanay ahayn wasiir ku haboon in ay matasho
guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka daadmadheedh amaba deegaan ahaan ku
abtirsada gobolka balse xaalka wasiiradu u badan yahay la xidhiidhka
jifooyin hoose iyo la tashiga dad aan ahayn dadkii ku haboona in
horumarka gobolka wax laga waydiiyo taasoo sababtay ka faa’iidaysiga
dani shakhsi u badan.
Marka isweydiinta u badan ee uu dadku waxay tahay  talow wasiirada
gu’u u kordhi maaye garaad ma u kordhi doonaa.

ALLAA MAHADLE
C/Risak  Cabdi Jaamac

COMMENTS