BALIGUBADLE MEDIA
Soltelko oo oo Nidar Ku Maray Inuu Xilka Ka Qaadayo Xoghayaha D/Hoose Isagoo La Kaashanaya Adeerkii Madaxwayne Muuse Biixi.
December 27, 2017 - Written by admin

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa bilaabay qorshe uu  muddo ku taamayey oo uu kaga shaqeynayo in xilka laga qaado Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, Cali Xasan Cawaale oo ah ka dhaariyey  inuu si gaar ah ugu tagri falo hantida qaranka.
soltelko ayaydhalay
Maayar Soltelco oo ay ku adkaatay inuu Xoghayaha Fulinta  Dawladda Hoose ka saxeexdo  muraadkiisa gaarka ah ee uu doonayo inuu kaga  faro-qabsado hantida ummadda  muddada uu hayo xilka Maayarnimo, ayaa bilihii la soo dhaafay  waday damiiciisa ku wajahan inuu  meesha ka saaro Xoghaye Cali Xasan Cawaale oo ah nin dhallinyaro ah oo aqoon leh, shaqadiisana  ka adag oo  aan caado  u ahayn inuu ku tasarufo hantidda ummadda.

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda HadhwanaagnewsMaayar Soltelco, waxaa uu  aaminay inuu xukuumadda Madaxwyenaha cusub, Md. Muuse Biixi, uu garab ka heli karo, sida ilo xog ogaal ahi caddeeyeen wuxuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha ula tagtay in Xogahayaha fulinta laga qaado xilka oo loogu beddelo nin uu isagu wato oo la yidhaahdo Juxa oo ka soo jeeda degaanka Bariga Hargeysa.waxaana la xaqiijiyey in ay wasaaraddu ku gacan saydhay hase ahaatee waxaa uu nidar ku maray inuu madaxtooyada ka soo saxeexan doono.

Sidoo kale,  waxgaradka iyo bulshada Degmadda Axmed Dhagax oo uu ka soo jeedo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ayaa ka cadhaysan isku dayga maayarka Hargeysa oo ay u arkaan in dartii hore loogu sadqeeyay  dhawr xoghaye oo iskaga dambeeyay xilkan afartii sannadood ee la soo dhaafey. Waxaanay u arkaan in talaabadani ay karaamo dil ku tahay dawladnimada Somaliland iyo ta degaankoodaba.

Maayarka Hargeysa waxaa uu toddobaadkii la soo dhaafay oo dhan, shaqadii xafiiskiisa kaga mashquulay inuu  xilka ka qaado Xoghayaha isagoo adeegsanaya xukuumaddan oo uu  isu tirinayo inay tiisii tahay. Waxaana ugu dambaysay inuu saaka  xarunta dawladda hoose soo geliyay war been abuur ah oo sheegaya inuu ku guulaystay inuu eryo Xoghayaha Dawladda Hoose.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS