BALIGUBADLE MEDIA
Soltelko oo Awood Aan La Filayn Ku Yeeshay Xukuumadda Adeerkii Iyo Muuse Biixi oo Qaaday Waddadii Musuqmaasuqa Iyo Hiilka.
December 28, 2017 - Written by admin

maayarka ku sifoobay musuqmaasuqa iyo boobka hantida umadda ayaa durba awood aan la filayn ku yeeshay xukuumadda cusub ee uu hogaamiyo adeerkii muuse biixi waxaanu soltelko awood beelaysan oo aan la filayn uu durba ku yeeshay xukuumadda cusub isagoo u muuqda inuu yahay wasiirka daakhiliga somaliland islamarkaana uu isagu siduu doono ka yeeli karro maamulka dawladda hoose iyo ta dhexe ee somaliland.

soltelko3

xukuumadda cusub ee muuse biixi oo laga filayay inay wax ka qabato musuqmaasuqa iyo maamul xumadda ayaa u muuqata inay ka sii dartay halkii ay taagnayd xukuumadii ka horaysay islamarkaana ay sifo ka baxsan dawladnimadda u shaqaynayso iyadoo ay sidan doonaan ugu adeegsanayaan shakhsiyaad liita oo uu kaw ka yahay maayarka musuqmaasuqa iyo boobka hantida umadda ee soltelko

si kastaba ha ahaatee muuse biixi oo laga filayay inuu dalka ku hogaamiyo cadaalad iyo maamulwanaag ayaa durba u muuqda inuu raacay wadadii eexda iyo qabiilka islamarkaana uu dalkii ku fasaxay inay sidan doonaan ka yeelaan inamo yaryar oo uu adeer u yahay

dhanka kale wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha somaliland oo laga filayay inuu u cadaalad sameeyo bulshadda deegaanka ayaa u muuqda inuu durba dagaal qaawan ku soo qaado qaar kamida beelaha caasimadda isagoo ay dagaalkaas ku wada socdaan madaxwaynihiisa muuse biixi

isku soo wada duuboo labadda kornayl ee madaxwaynaha iyo daakhiliga kala ah ayaa dalka halis wayn ku wada ku darsoo muuse biixi oo diidan in kursiga maayarku sadbuursiimo ku bixiyo ayaa laaluush iyo sadbursiimo ku bixinaya kuraasta beelaha arab ee dawladda ee uu kamid yahay xoghayaha dawladda hoose ee hargeysa waxaana xusid in talaabadda ay ku wada socdaan muuse biixi iyo wiilka uu adeerka u yahay ay noqon doonta mid meesha ka saarta sida uu deegaanada beelaha uu ku xadgudbaayo uga sii shaqayn karo maamulkiisu

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS